Daily Archives: August 19, 2013

Ilyaas barre Shiil oo sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Faafi ee gobolka waqooyi bari ee Soomaalida Kenya Ilyaas Barre Shiil ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool la doonayay in lagu khaarajiyo. Ilyaas ayaa sheegay in weerarkii dhawaantan ka dhacay tuulada Galmagala oo ay masuuliyadiisa … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wadahadallo lagu dhammaynayo khilaafka Jabbuuti oo ka furmay waddankaas

Dalka Jabuuti waxaa ka furmay wadahadal u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dalkaas, kaasoo lagu xalliyo muran ka dhashay doorashooyinkii horraantii sannadkan ka dhacay dalkaas, kuwaasoo sababay rabshado u dhexeeya taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda. Isbahaysiga USN oo ay ku mideysan yihiin … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Magaalada Addisababa oo uu ka furmayo shir looga wadahadlayo khilaafka ka taagan Jubbooyinka

Shir looga hadlayo khilaafaadka ka taagnaa waayadan dambe gobollada Jubbooyinka ayaa waxuu ka furmayaa magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya. Waxaana magaaladaas oo ay horay ugu sugnaayeen wafdi ka socda dawlada oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee dawlada Federaalka ah ee … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Qaraxyo ka dhacay Kismaayo oo aan khasaaro gaysan

Qaraxyo isdaba joog ah oo labo ahaa ayaa maantay gilgilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadani ay argagax ku abuureen dadweynaha magaalada ku nool. Waxayna qaraxyadu ka kala dhaceen xaafadaha Shaqaalaha iyo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Gudoomiyaha baarlamaanka oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay baryahaan socdaal ku joogay waddanka Uganda oo kulan lasoo qaatay madaxda dalkaas. Waxaana ayraboorka ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Fawziya Yuusuf Xaaji oo ku sii wajahan dalka shiinaha

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho iyagoo ku sii wajahan dalka Shiinaha. Xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa la … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Dawlada Turkiga oo Soomaaliya ugu deeqaysa lacag dhan 506.9 million

Dawlada Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lacag dhan 506.9 million si waddanka Soomaaliya looga fuliyo mashaariic ballaaran. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in ujeedka deeqdan uu yahay in Soomaaliya ay u suuragasho inay markale cagaheeda isku … read more »

Posted in Featured | Leave a comment