Dagaalkii ka qarxay Muqdisho oo xoogaystay iyo Gawaari laga gubay Amisom.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkii saaka ka qarxay Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho ayaa sii xoogaystay waxaana gawaari laga gubay Ciidanka Amisom.
Dagaalkii aroornimadii saaka ka bilowday Woqooyiga Muqdisho uu sabab ka dhigay qasaara kala duwan oo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamayay.
Sida wararka aynu ku helayno dagaalkii ka qarxay Woqooyiga Muqdisho ayaa xoogaystay waxaana Ciidamada Amisom ay maanta dhaafi waayeen Xaafadaha Degmada C.Casiis.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa saaka Illaa duhurnimadii maanta mid xoogan waxaana sabab uu u noqday in uu gubto gaari ay wateen Ciidanka AMisom iyadoo mid kale uu siliska ka go’ay.
Dagaalka waxa uu weli ka socanayaa Xaafadaha Degmada c.Casiis halkaasi oo uu ku gubtay gaari nuuca Taw-ga ah oo ay lahaayeen Ciidanka Amisom.
Amisom ayaa maanta tabarteeda dhaafi waysay Degmada C.Casiis xaafado ka tirsan waxaana weli socanaya dagaalka xoog badan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la is dhaafsanayo.
Wixii ku soo kordha www.Bartamaha.com
Kala soco xilli waliba.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments