Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka dhacay Deegaanka Dac-qurun Ee Gobolka Mudug.
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Ciidamada Maamulada Gal-mudug iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in dagaal qaraar uu ku dhexmaray Deegaanka Dacqurun duleedka Gaal-kacyo.
Ciidamada labada maamul ayaa la xaqiijiyay in dagaalkooda uu bilowday ka dib isfaham daro ka dhalatay ceel biyood ku yaalay Deegaanka Dac-qurun halkaasi oo shalay galinkii danbe uu dagaalka ka qarxay.
Inta la ogyahay 2-qof ayaa ku dhaawacantay oo midkood uu ahaa askari ka mida Ciidamada Gal-mudug ka dib markii dagaalka uu ka bilowday meel biyaha laga cabo oo ku taalay Dac-qurun.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulada Gal-Mudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalada labada Ciidan dhexmaray wallow ay Masuuliyiinta labada dhinac ay hakiyeen dagaalkii halkaasi ka dhacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments