Calendar

Dagaal Saaka ka dhacay Muqdisho iyo Duqeyn xalay dad ku la’deen.

DSC01412Bartamaha (Muqdisho):- Dagaal qasaara sababay ayaa saaka ka dhacay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho xilli xalay la duqeeyay xaafadaha Caasimada.

Dagaal muddo socanayay ayaa saaka ka dhacay xaafadaha Degmada Hodon Muqdisho halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidanka Ahlu sunnah iyo kuwa Alshabaab ka dib markii weerar jiha walba looga soo qaaday askarta Ahlu unna.

Dagaalka ayaa noqday mid qaraar markii Ciidanka Amisom ay ku caawiyeen Ahlu sunnah Madaafiicda Hoobiyayaasha oo lagu garaacay xaafada ay duulaanka ka soo qaadeen Kooxda Alshabaab.

Muddo ka badan 30-daqiiqo ayaa rasaas xoog badan ay ka dhacaysay xaafadaha Degmada Hodon waxaana labada dhinac ay isku fara saareen Wadada gasha Isgoyska Bakaaraha illaa xaafadaha KPP iyo Agagaarka Terbuunka.

Qasaaraha dagaalka saaka ayaa la sheegay in ay u badanyihiin dhinacyada dagaalamay oo dhaawacyo u kala daabulay gudaha Bakaaraha iyo Isbitaalka Madiina oo ay ku daawaystaan dhaawacayadooda.

Xalay ayay ahayd markii Hoobiyayaal si aad ah loogu garaaxay Suuqa Bakaaraha,Wardhiigley iyo Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho oo dhammaan dad shacab ah ay xalay ku dhamaadeen Madaafiicda.

Inta la ogyahay xalay oo kaliya ayaa waxaa dhintay 6-ruux 15–kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray markii Madaafiic ka dhacaysay Villa Somalia lagu garaacay dadkaasi oo ku sugnaa deegaanada ay ka daganyihiin Muqdisho.

Shacabka Magaalada ayaa waxa ay noqdeen kuwa Dhimasho madfac sababo suagayaal ah markii Noloshooda ay ka mid noqotay Hoobiyayaasha iyo PM-ka lagu garaaco taasi oo ay u sababaynayaan Kooxaha ay ku dhex noolyihiin oo Madaafiic ka dhex tuura deegaanada shacabka daganyihiin.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: