Calendar

Dagaal maanta dhexmaray masuuliyiin maamulada isqilaafsan Ee Gal-Mudug gudaha Magaalada Gaal-Kacyo.

GaalkacyBartamaha(Gaal-Kacyo):-Ciidamo kala taabacsanaa laba masuul oo kala taageersan labada madaxweyne Ee Maamulka Gal-Mudug ayaa maanta ku dagaalamay gudaha Koonfurta Magaalada Gaal-kacyo.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Hotelka MBC Ee Koonfurta Gaal-kacyo iyadoo ay isku dheceen Ciidamada G/Xigeenka Baarlamanka Gal-Mudug garabka Maxmed Axmed Caalin iyo Sargaal sare oo ka mida Ciidamada Garabka Madaxweyne Axmed Shariif Cali Hilowle.

Inta la ogyahay 2-ruux ayaa geeriyotay 2-kalana waa ay dhaawacmeen ka gadaal markii ay dagaalameen Ciidamada labadaasi masuul kuwaasi oo dagaalkooda uu muddo ka socanyaya k/Magaalada Gaal-kacyo.

Rasaasta xiliga ay bilaabanayasay ayaa waxaa la sheegay in Hotelka MBC ay ka socanaysay munaasabad lagu hishiisiinayay laba beelood oo dhawaan ku dagaalamay qeybo ka mida Gobolka Mudug.

Xaalada ayaa xiligan dagan iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada Dagaalamay madaxdood iyo maamulka labada badaxweyne Ee Gal-Mudug State la baxay .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: