Calendar

Dagaal ka dhacay Wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha.

bakaaraha bartBartamaha (Muqdisho):- Dagaal u dhexeeyay Dowlada KMG ah Iyo Xizbul Islaam ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Laba wado oo gasha Suuqa Bakaaraha.

Dagaalka ayaa bilowday markii Ciidanka Xizbul Islaam ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisinada Ciidanka Dowlada ee Wadada Sayidka iyo Jidka Dabka.

Dhawaqa rasaasta yaryar iyo Madaafiicda ayaa laga maqlayay xaafadaha Degmooyinka Hodon iyo Howl-Wadaag oo ay weerarka ku soo qadaeen Ciidankaasi Xizbul Islaam.

Wadooyinka suuqa Bakaaraha oo idil ayaa saamayn balaaran ay ku yeesheen rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayeen waxaana jiray qasaara shacabka ka soo gaaray dagaalka.

Wadada Howl-Wadaag oo ganacsi badan uu ka furnaa ayaa waxaa jiray qasaara shacab badan ka soo gaaray rasaasta yaryar oo ay labada dhinac isdhaafsanayeen markii uu dagaalka bilowday xilli shacabka ay suuqa ku badnaayeen.

Dagaalka markii uu dhamaaday ka dib waxaa saxaafad war siiyay Maxamed Cismaan Caruus oo ah sargaalka dhanka Howl-galadam dagaalada ugu qaabilsan Xizbul Islaam kaasi oo guula balaaran sheegtay.

Caruus waxa uu sheegay in dagalaka ka dhacay Isgoska How-wadaag iyo Isgoyska Sayidka wadada u dhexeysa ay ku dileen Ciidan badan islamarkaana ay Hubka ka soo furteen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Sargaalkan waxa uu xusay in ay qasaara gaarsiiyeen Ciidanka Ahlu sunah ee ku sugan Xaafadaha Degmada Hodon oo dagaalka si aadah uu u saameeyay.

Dagaalka oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa waxa uu sababay dhimashada 4-shacab ah oo suuqa Bakaaraha gudihiisa ay rasaasta ku haleeshay iyo dhaawaca 5-kale oo laga soo qaaday Isgoyska Bakaaraha Muqdisho.

Inta badan dadka ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay yihiin kuwa xilli waliba ku tashada waxyeelada dagaalada iyadoo ay joogta iska noqotay rasaasta iyo Hoobiyayaasha shacabka lagu laayo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: