Dagaal Baangado iyo dhagaxyo la isku weydaarsaday oo Xalay dhexmaray Barakacaasya Deegaanka Lafoole Gobolka Sh/hoose.
Bartamaha(Lafoole):-Dagaal la yaab leh ayaa Xalay ka dhacay Deegaanka Lafoole markii ay Biyo lacabo isku dagaaleen Laba Xero oo ay daganyihiin Barakacayaasha.
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Lafoole Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhexmaray laba Xero Barakacayaashii daganaa kuwaasi baangado,Mindiyo iyo dhagax isweydaarsaday.
Labada Xero dadka dagan ayaa waxa ay isku qabteen markii mid ka mida dadka Barakacayaasha uu doonay in uu Biyo ka soo qaato Barkac ay ku jireen Biyo taasi oo keentay in la garaaco oo laga qaado Biyihii uu Caag 20-Liter qaaday ku shubtay.
Dadkii ka soo jeeday Xerada Barakacayaasha ee uu daganaa ninka la garaacay ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Xeradii kale taasi oo dhalisay in Barkadii Biyaha la daadiyo oo guud ahaan dhulka lala simo.
Gabar ka mida dadka la jaarka ah Labada Xero Barakacayaasha ay daganyihiin ayaa www.Bartamaha.Com u sheegtay in ay maqashay buuq iyo sawaxan ka dibna ay aragtay dad mdaxa looga baraacayo Biro,Mindiyo iyo dhagax meel walba ka dhacayo.
Ciidamanka Xizbul Islaam ayaa goobtaasi soo gaaray markii ay badatay rabshada oo halkaasi uu dagaalka ka dhacay iyadoo rasaas lagu kala ceyriyay dadkii dagaalka uu u dhexeeyay.
Dad badan ayaa Isbitaalada la geeyay kuwaasi oo dhaawacyo xoogan uu ka soo gaaray dagaalka Biyaha la cabo ka dhashay ee xalay k dhacay Deegaanka Lafoole oo ay dganyihiin dad ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments