read more »">
Calendar

Dadka rayidka ah oo Muqdisho ku sii dhamaanayo iyo Xaalada oo weli kacsan.

dhaawacyada-haweenka1Bartamaha (Muqdisho):- Dadka rayidka ah ayaa si macna dara ah ugu dhamaanaya gudaha Magaalada Muqdisho ka dib markii ay joogta iska noqdeen dagaalada ka sii socanaya Caasimada.

Waxaa joogta iska noqday dadka Maatada ah ee ku la’anaya duqeymaha iyo dagaalada caasimada Muqdisho joogtada ka noqday oo ay isdhaafsanayaan Dowlada iyo Xoogaga diidan jiritaanka Dowlada iyo joogitaanka Amisom.

Xalay oo kaliya waxaa Muqdisho ku dhintay 10-ruux in ka badan 17-ruux oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii Madaafici Hoobiyayaal ah si bareer ah loogu garaacay dadka shacabka ah ee dagan Degmooyinka Boondheere,Dayniile,Hodon,Howl-Wadaag iyo Heliwaa oo dhammaan ay shacab iyo Islaamiyiintaba wada daganyihiin.

Muddo 10-Cisho ah ayaa waxaa Muqdisho ka socanaya dagaalo toos ah iyo Madaafiic shacabka dushooda la isku dhaafsanayo  taasi oo sabab ka dhigaysa in Dad badan oo maata ah ay ku dhamaadaan duqeymaha.

Dadka shacabka ah ee  ku la’anaya madaafiicda ayaa waxa ay yihiin kuwa ay danta biday in ay ku noolaadaan dhulka joogtada looga dhigay in la garaaco oo madaafiicda lagu duqeeyo waxaana maalin walba dhimanaya dad aan waxba galabsan.

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa lagu Eedeeyaa in ay leeyihiin sababta ugu weyn waxaana lagu tilmaamaa in shacabka dhexdiisa ay Hoobiyayaal ku rakibtaan oo ay ku garaacaan saldhigyada Amisom iyo kuwa Dowlada taasi oo sababta in jawaab xanuun badan sababta ay ka soo baxdo saldhigyadaasi.

Xaalada guud ee Magaalada waxa ay weli tahay mid aad u kacsan waxaana xillli waliba magaalada laga maqlaya aMadaafiic iyo Rasaas Culus oo ay isdhaafsanayaan Xoogaga Mucaaradka iyo Ciidanka Dowlada oo kaashanaya kuwa Amisom.

Maanta ayay noqonaysaa malaintii 10-aad oo dagaal uu ka dhacayo gudaha Muqdisho waxaana maalin waliba ku dhamaanaya dad rayid ah oo aan wax lug ah ku lahayn Siyaasada iska soo horjeeda ee la isku laynayo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: