Curashada 2010 oo la kowsatay Dayax madoobaad.
Bartamaha — Iyadoo inta badan dhamaan bulshada calamku ay caawo isu diyaarinayaan iney u dabaal degaan curashada iyo bilawga sanadka cusub ee 2010 ayaa magaalooyin farabadan oo ka tirsan wadamo ku yaala qaaradaha afrika iyo aasiya waxa ay la kowsadeen dayax madoobaad.
Abaarihii 10:35 habeenimo ayaa waxaa qaar kamida masaajida magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kiinya waxaa looga istaagay salaada la tukado wakhti uu dayaxa madoobaado ee salaatul kusuuf.
Dhinaca xiriir aan la sameynay kamida dalalka bariga afrika oo ay soomaaliyana kamid tahay ayaa la xaqiijiyay in magaalooyin badan oo ka tirsan dalka soomaaliya laga arkay dayaxa oo cidhif ka madoobaadey.
Sidoo kale xiriir aan la sameynay magaalada Dubai ee xarunta dalka isutaga imaaraadka carabta ayaa iyadana laga dareemayay in dayaxu uu madoobadey, dhinaca kale magaalooyin badan oo katirsan maamulka federaaliga ah ee Ethiopia ayaa laga xaqiijiyay in iyagana sidoo kale laga arkey dayax madoobaadkan la kawsaday curasda sanadka 2010.
Hadaba dhamaan magaalooyinka ku yaalla dalalka kala duwan ee aan soo sheegnay ayaa loo dareeray Masaajidyada si loo xuso Alle weyne Subxaanahuu Watacaala, Qaar farabadan oo kamida shacbiga ku nool magaalooyinka aanu soo sheegnay ayaa u dareeray masaajida si deg deg ah si loo tukado Salaatul Kusuuf oo ay diintu ina farayso in la tukado wakhtiyada uu dayaxu madoobaado.
Guud ahaan ugu horeyn muuqaalka dayaxu ma madoobaan hasa yeeshee waxaa madoobadey mid kamid cidhifyada dayaxa, iyadoo wakhtiguna u ahaa qiyaastii wax ku dhaw 11ka habeenimo oo un hal saac ay ka hartey wakhtigii ay qaar badan oo kamida bulshada caalamku isu diyaarinayeen iney u dabaal degaan curashada sanadka cusub ee miilaadiga ah ee 2010.
Guud ahaan shacbiga islaamka oo ay soomaalidu ka mid tahay meel kasta oo ay ka joogaan dunida daafaheeda ayaa waxaa laga doonayaa tawbad keen iyo inay cibaadada ku dedaalaan si Ilaahay dhibka, abaaraha, iyo colaadaha ay dagaalada sokeeye sababeen uu ugu dulqaado.
Bartamaha News Desk.
Nairobi, Kenya.
Comments
comments