Calendar

Ciidan Ethiopian ah oo soo galay Yeed iyo Cabsi weerar laga qabo.

Par2234689Bartamaha (Muqdisho):- Warar naga soo gaaray Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay barqanimadii maanta soo galeen Ciidan Xoog badan oo Ethiopian ah.

Ciidanka Ethiopian ah ayaa barqanimadii maanta soo buuxiyay gudaha Deegaanka Yeed oo dhaca Gobolka bakool halkaasi oo ay joogaan Ciidan xoog badan oo ka mida kuwa maamuladii Baay iyo Bakool.

Ciidanka soo gaaray Yeed ayaa qaar ka mida ay shalay galab soo gaareen wallow barqanimadii maanta ay deegaanka soo galeen askartii ugu badnayd oo dhammaan ka soo gashay dhanka Gobolka Soomaalida dagto Ee Ethiopia.

Markii ay Ciidankan soo buuxiyeen Yeed ayaa waxaa dhaqdhaqaaq xoog badan bilaabay Kooxda shabaab oo haysata Deegaanka Rabdhuure Ee Gobolka Bakool halkaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay ay haysteen.

Xaalada Yeed ayaa aad u kacsan waxaana xilli waliba la filan karaa weerar ka yimaada dhanka Shabaabka iyadoo Ciidanka Ethiopianka ah iyo kuwa dowlada ay dibada ugu soo bexeen deegaanka iyagoo afka soo aadiyay dhanka Rabdhuure.

Wixi soo kordha www.Bartamaha.Com ka daalaco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: