Ciidamo Midowga Afrika oo tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan dowlada KMG
Waxaa dhawaan dalka Kenya Tababar ugu soo xirmay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya,iyadoona ay tababarkaani ay bixinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Tababarkaan oo soconayay sadaxdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka socotay ciidamada baliiska soomaaliyeed,kuwaasi oo tiro ahaan lagu sheegay 194 Saraakiil.
Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay tababar usoo xireen 194 saraakiil heerka hoose ah,kuwaasi buu yiri la siiyay tababar xirfado kala duwan lagu barayay.
Waxuuna MR Wafula Wamunyinyi intaasi ku daray in tababrkaani la siiyay saraakiishaani cusub ay wax weyn ka tari doonto soo celinta nabad galyada dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxuu Wafula Wamunyinyi u mahad celiyay Dalka Kenya iyo ciidamada midowga Afrika oo si hagar la’aan ah had iyo jeer tababar u siiyay ciidamada Dowlada KMG waa sida uu yiri.
Si kastaba tababarkaani loo soo xiray ciidamada booliiksa soomaaliyed ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadyadii dhawaa magaaladsa Muqdisho ay ka socdeen dagaalo ay dowlada KMG ah dib ugu soo celineyso amaanka gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka
.Xafiiska Wararka
Nairobi www.Bartamaha.com
Comments
comments