Ciidamo horleh oo katirsan Itoobiya oo dhaq-dhaqaaq ciidan kawada deegano katirsan Galgaduud
Guriceel_ Ciidamo horleh oo katirsan Itoobiya ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud, oo ay ka arrimiyaan maamulka Ahlusuna waljamaaca.
Ciidamada Itoobiya ee gaaray degmada Guriceel ayaa katirsan hawlagalka AMISOM, waxaana ay kubiiri doonaan cutubyo kale oo horaantii bishii tagtay gaaray degmada Guriceel.
Ciidamadaan ayaa duulaan ku ah xoogaga Al-shabaab oo deegano kamid ah gobalkaasi ka arrimiya, iyagoona durbo kabilaabay deegaankasi dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayan in Al-shabaab looga saaro deegaanka.
Afayeen uhadlay Itoobiya oo lagu magacaabo Dina Mufti, ayaa dhowaan sheegay in dowlada Itoobiya sii wadi doonto dagaalada ay kula jirto kooxda Al-shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo intii ay ku biireen hawlagalka AMISOM, waxa ay isku fidinayaan deegaano ballaran oo hoostaga gobalada dhexe ee dalka Soomaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments