Ciidamo Dowlada ka tirsan oo wiil dhalinyara ah ku dilay Degmada Dharkenley.

Posted on Apr 15 2010 - 12:52pm by News Desk
Tweet
Pin It

dilBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Dowlada ayaa maanta dilay wiil dhalinyara ah gudaha Degmada Dharkenley Muqdisho.

Wiilkan dhalinyarada ah ee ay toogashada ku dileen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa waxaa lagala dagay gaari uu saarnaa oo ka tagay dhanka suuqa bakaaraha.

Wiilka la dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa wiil da’yar kaasi oo aanay ka muuqan wax balwad ah iyadoo looga shakisanyahay in uu ahaa ALshababa.

Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan degmooyinka wadajir iyo dharkanlay ayaa marar badan dilay dhalinyaro ay ku sheegaan Alshabaab.

Wiilka maanta ay dileen Ciidamada ayaa muddo saacada ah ay diidanaayeen in laga qaado maydkiisa wadada ay ku toogteen gudaha Degmada Dharkenley.

Dilka ayaa caasimada Muqdisho ka noqday mid iska caadi ah oo aanay cidi iska warsan dilalka ka dhaca Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.