Ciidamadamo ka wada tirsan Dowlada oo maanta ku dagaalamay Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.
Bartamaha(Yeed):-Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan maamulka Dowlada Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta ka dhacay deegaanka Yeed Ee Gobolkaasi Bakool.
Isku dhaca Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in uu ka bilowday lacago baad ah oo ay qaar ka mida Ciidamada ka qaadeen gaari xamuul ahaa kaasi oo maanta gaaray Deegaanka Yeed.
Ciidamada dowlada ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen in ay ishortaagaan gaariga lacagta laga qaaday islamarkaana taasi ay dhalisay dagaal in mudda ah ka socday gudaha Deegaanka Yeed.
Inta la ogyahay 1-ruux ayaa ku geriyoday 2-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii rasaastaasi ay in mudda ah ka socotay gudaha Yeed iyadoo dhaawacyada loola cararay Isbitaal ku yaala Waajid Bakool.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com Muqdisho-Somalia.
Comments
comments