Ciidamada NATO oo Gar gaar Caafimaad u fidiyay Dadka kunool degmada Bander-Bayla
Bosaaso _ Ciidamada NATO ee hawlgalka ladagalanka Burcad Badeeda ujooga biyaha Soomaliya ayaa hawlo Caafimaad oo bilaasha u fidiyay qaarkamid ah dadka kunool deeganada dhaca xeebaha ee Puntland.
Ciidamada ka socda dalka SPAIN ayaa markab ay leeyihin waxaa hawlo caafimaad looga fidiyay ku dhowaad 21- qof oo kamid ah dadka kunool degmada Bander -Bayla ee gobalka Kar-Kaar.
Sida uu sheegay guddomiyaha degmadasi Siciid Aadan Cali (Ateeno) oo lahadlay warbaahinta guddaha dadka hawlaha caafimaad loo fidiyay ayaa qabay xanuuno ay kamid yihiin, Dhiikar, Sokor iyo Neerfo.
Guddomiyaha degmada Bander-Bayla ayaa intaasi ku daray in Ciidamada SPAIN ay ubalan qaadeen inay tababar siiyaan ciidamada Badda ee degmada sida uu hadalka u dhigay.
Gar gaarkaan caafimaad ee ciidamada NATO u fidiyeen shacabka deegmada Bander-Bayla ayaa socday muddo labo beri ah, waxana hawlo noocani oo kale ah ay ciidamada NATO horay uga sameeyeen deegano kale oo kamid ah Puntland.
www.Bartamaha.com
Xafiiska Puntland.
Comments
comments