Calendar

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan Tuulooyin hoos yimaada Magaalada B/Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo aad u fara badan oo ahaa kuwa dowlada Itoobiya ayaa saaka waxa ay soo galeen deegaano ka tirsan Magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Ciidamadan waxay wataan gaadiid dagaal oo aad u fara badan, iyo kuwa Taangiga lagu qaaqdo, iyadoo durba ay deegaanadaasi dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo baaxad weyn ka bilaabeen.

Wararka waxay shegayaan in Ciidamadan ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Balad-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka jira is abaabul xoogaga islaamiyiinta oo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxay Ciidamadan xanibaad ku soo rogeen gaadiidka dadweynaha deegaanadaasi, iyagoo baaritaano aan caadi ahayn kula dhaqaaqaya gaadiidka mara deegaanada ku hareersan Gobolka Hiiraan.

Lama oga ujeedka ay Ciidamada Itoobiya ugu soo dhawaadeen deegaanada ku hareersan Magaalada Balad-weyne waxaana suuragal ah in saacadaha soo socda gudaha u galaan Magaalada Balad-weyne.

Dhaq dhaqaaqan ciidamada Itoobiya ka wadaan deegaanada ku hareersan Gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili Bereket Simon oo ah Afhayeenka Xukuumada Itoobiya uu sheegay in xiligan diyaar u ahayn in Ciidamo u diraan dalka Soomaaliya, xili ciidamadooda ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: