Calendar

Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo la siiyay mushaarka bilaha .

Mushaar qeybinta Ciidamada ayaa ah mid bil walba Ciidamada la siiyo  tan iyo bishii December ee Sanadkii hore oo Xukuumadii Farmaajo ay bilowday inay mushaaraadkii  siiso Ciidamada waxaana Mushaarkan maanta lasiiyay Ciidamada ay dhameyd $200 (Labo Boqol Doolarka Mareykanka)Ayuu qadanaayay askarigiiba.

Xeryaha Ciidamada Dowladda ayaa waxaa maanta ka bilaabatay howlaha mushaar qeybtinta Ciidamada iyadoo Askarta oo safaf dhaa dheer ku jirayn la gudoonsiinayay mushaarkaas,

Waxaana askari walba uu mushaarka ku qaadanayay qaab sharciyeysan gaar ahaan askari walba Oo aqoonsigiisa watay  isla markaana waraaqaha mushaar bixinta oo saxiixa saarayay suulka, Kaasoo ah nidaam cusub oo mushaarka Ciidamada lagu bixinayay.

Ku simaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay Sii wadi doonaan mushaar qeybinta Ciidamada ay tahay si moraalkowda kor logu qaado .

Arintaan ayaa ku soo begmeysa  xilli shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Maxamed Cali oo 23-kii bishan uu magacaabay Madaxweyne Shariif.

Somali TFG troops receive paymentcar 5car 4

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: