Taliye kuxigeenka Saldhigga booliska degmada Kismaayo Aadan Maxamed Sharmaarke oo loo yaqaan Aadan Cadde ayaa sheegay in ciidanka ammaank ay ku guuleysteen xaqiijinta nabadgalyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Taliye kuxigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada booliska iyo nabad sugidda maamulka Jubba ay si wadajir ah magaalada uga sameeyaan baaritaano joogto ah oo ay ku xaqiijinayaan nabadgalyada magaalada Kismaayo. Wuxuuna ka dhawaajiyey in ciidanka iyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo uu ka dhexeeyo xiriir wanaaagsan iyo wada shaqayn,wuxuuna intaa ku daray in arintaasi ay fududeysay sugitaanka amniga magaalada. Taliye ku xigeenka ayaa tibaaxay iney ciidamada booliska magaalada Kismaayo ay haystaan duruufo dhaqaale iyo qalab la'aan,wuxuuna ugu yeeray shacabka iyo maamulka iney iskaashadaan kana wada shaqeeyaan xaqiijinta nabadgalyada magaalada. Kismaayo SAHAL NEWS
Kismaayo SAHAL NEWS
comments
Sponsored Content