Calendar

Buuralayda Gobolada Sanaag iyo Bari oo dagaal ka dhacay.

dagaalo aad uBartamaha (Boosaaso):- Dagaal la isku riiqmay ayaa Saaka ka dhacay dhulka Buuralaysa ah Ee Gobolada Sanaad iyo Bari oo dhawaanahan dhaqdhaqaaq ay ka wadeen Ciidanka Sheekh Atam.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday ka dib markii Ciidan uu Hogaaminayay Sheekh Atam ay weerar ku soo qaadeen saldhigyada Ciidanka Puntland ee Deegaanka Karin halkaasi oo dagaal xoogt badan uu saaka ku dhex maray labada dhinac.

Ciidanka Sheekh Atam ayaa waxa ay dileen 4-Askari oo Ciidanka Puntland ka mid ah iyo qof shacab ah waxaana goobtaasi ay isaga bexeen muddo ka dib markii gacabn ku haynta deegaankaasi ay la wareegeen iyadoo xaalada ay dib u noqotay mid dagan.

Dhanka Deegaanka Galgala ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay dagaal xoog badan oo bilowday markii Ciidanka Puntland ay difaac adkaysteen iyagoo ka war helay weerar kaga soo wajahan dhanka Kooxda Dhulka Buuralayda ah dagan ee Sheekh Atam Hogaamiyo.

Dagaalka Galgala ayaa waxa uu noqday mid saacada badan socanayay waxaana laga yaabaa in qasaara badan uu geystay maadaama labada Koox ay jilbaha isku aasteen dagaal qaraarna uu ka dhex dhacay.

Wixii ku soo kordha Xaalada Goboladaasi iyo Buuralayda kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: