Beesha Laylkase oo Saxaafada kula Hadashay Garoowe Dhaliishayna Saamiga Lagasiiyay Golaha Wasiirada
Iyadoo labo maalmood oo qura laga joogo xilligii uu madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas soo magacaabay golihisa cusub ee wasiirrada, ayaa waxaa soo badanaya cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo dhaliilaha loo jeedinayo qaabka uu madaxweynuhu u qaybiyey xubnaha golaha wasiirrada.
Waxgaradka, cuqaasha iyo aqoonyahanka beesha Tanade (Leel-kase), ayaa kulan ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen waxay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ku aaddan magacaabista xukuumadda cusub ee Punltand.
Shirka oo intii uusoo socdey khudbado kala duwan laga jeediyey waxaa markii uu soo gaba gaboobay laga soo saarya bayaan lix qodob ka koobnaa oo ay ku saxiixnaayeen in ka badan boqol qof oo isimmo, aqoonyahan, culumaa’uddiin, dhallinyaro iyo haween isugu jirey.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in beeshu ay taageersan tahay isbeddelka siyaasadeed ee Puntland ka dhacay iyo weliba madaxda cusub ee Puntland loo doortay, diyaarna ay u tahay inay mar walba qayb ka noqoto horumarka iyo xoojinta nabadgelayada.
Saamiga beesha Tanade laga siiyey golaha wasiirrada cusub ee Puntland ayaa bayaanka lagu xusay inuu yahay mid aan u qalmin, maadaama ay beeshu tahay mid baaxad weyn ku leh dhammaan deegaanada Puntland.
Suldaan Sureey Maxamuud oo shirka soo xiray ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntalnd in ay midnimadooda adkeeyaan ayna ka fogaadaan wax walba oo midnimada dhaawaci kara sababna u noqon kara in bulshada walaalaha ah ee reer Puntland uu madmadow soo kala dhex galo.
Beelo dhowr ah oo u badan kuwa gobolka Bari ayaa iyaguna muujiyey cabasho tan lamid ah, waxaana xusid mudan in shalay magaalada Boosaaso uu ka dhacay muddaaharaad kooban oo arrintaas la xiriira.
Comments
comments