Bandow Xalay lagu soo rogay Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo.
Bartamaha(Luuq):-Maamulka Xizbul Islaam Degmada Luuq ayaa xalay bandow ku soo rogay Gedmadaasi ka dib ammaan daro ka dilaacday Deegaanada ku xeeran Luuq.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa xalay soo buuxiyay dhammaan xaafadaha Degmada Luuq ka dib markii ammaanka Deegaanadaasi ay shakki ka muujiyeen islamarkaana xalay bandow la saaray Luuq.
Gabi ahaan waxaa la xeray goobaha ganacsiga Degmadaasi iyadoo dadka ay fiidnimadii hore Magaalada ay ka xaroodeen waxaana guud ahaan Degmada Ciidamada Xizgiga ay dhaqdhaqaaq iyo roondooyin ay ka bilaabeen.
Ma jiro wax war ah oo Saraakiisha Xizbul Islaam ay ka soo saareen bandowgii xalay ka dhaqan galay Degmada Luuq iyadoo Ciidamada Ammaanka aan la ogayn waxa ay bandowgaasi ku soo qabteen iyo qaabkii ay ammaanka u sugayeen oo aan faah-faahin maamulka ka bixin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments