Banaanbax Cabasho ah oo maanta ka dhacay Deegaanada lagu barakacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Banaanbax looga cabanayay dhibaato Xagga Nolosha ah ayaa maanta ka dhacay Deegaanada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo xiligan Xaalado xagga nolosha ah ay ka taagantahay.
Mudaharaadka oo laga soo abaabulay xeryaha ay daganyihiin Barakacayaasha Deegaanada u dhexeeya Muqdisho illaa Afgooye ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya dhibaato xagga nolosha ka haysata dadka Barakacayasha ah.
Dadka Barakacayaasha aha ayaa waxa ay canbaareyn u jeediyeen qaar ka mida hay’adaha Samafalka iyo NGO-yada Soomaaliya oo ay sheegeen in uu horsed u noqdayt xaalada xagga nolosha Ee Xiligan Barakacayaasha haysata.
Caruurta banaanbaxaysay ayaa waxa ay qaarkood wateen Caagadaha Biyaha iyo boorar ay ku dhiganyihiin Biya La’aan cunno la’aan iyo Musqul la’aan taasi oo muujinaysa dhibaatada ku habsatay Barakacayaasha.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments