Calendar

Banaanbax balaaran oo ka dhacay Muqdisho.

banaaaBartamaha (Muqdisho):- Banaanbax aad u balaaran ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo looga soo horjeeday qaraxii shalay lala beegsaday Haweenka Nadaafada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo ay dhigayeen Haweenkii ka haray kuwii shalay lagu qarxiyay Degmada Boondheere Ee Magaalada Muqdisho.

Haweenka Nadaafada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay wateen astaama muujinaya Howsha ay bulshada u hayaan iyadoo kor u taagayay Qalabka Nadaafada Wadooyinka oo ay ku sheegayeen in aanay Hub u wadan Kooxaha qarxiyay.

Haweenka oo la ilmaynayay qaraxii Labaad ee  si bareer ah loola beegsaday ayaa waxa ay ka dalbadeen Maamulka Gobolka Banaadir in uu ogaado shaqada ay Bulshada u hayeen iyadoo ka dalbaday Islaamiyiinta in ay qaraxyada ka daayaan Haweenka Maatada ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Tarsan oo la hadlay Haweenka ayaa waxa uu ka codsaday in ay u dhabar adeegaan dhib walba oo u soo gaara shaqada ay shacabka u hayaan oo marar badan lagu qarxiyay.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Haweenka ay yihiin kuwa Bulshada ugu liita isagoo ku Eedeeyay Xoogaga Mucaaradka xasuuqa cid walba oo shacabka wax u qabanaysa taasi oo uu tilmaamay in ay tahay dhibaata Bulshada haysata.

Banaanbaxa maanta ayaa imaanaya  saacada ka dib markii Haween badan oo nadaafada ka shaqeynayay lagu qarxiyay gudaha Magaalada Muqdisho kuwaasi oo qaarkood ay u liitaan dhaawacyadii soo gaaray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: