Babaanbax roobdoon ah oo maanta ka dhacay Degmada Caabud Waaq Ee Gobolka Galdgaduud.
Bartamaha(Caabud-Waaq):-Banaanbax roobdoon ah oo ay soo agaasimeen maamulka Ahlu-sunnah Wal-jamaaca ayaa maanta ka dhacay Degmada Caabud-waaq Ee Gobolkaasi Gal-gaduud.
Banaanbaxa ayaa waxa uu ahaa mid shacabka deegaankaasi ay isugu soo bexeen fagaara ku yaala Degmada Cabudwaaq halkaasi oo ay ku oogeen salaada Istikhaarada iyo ducooyin u gaar ah roobdoonka .
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee hadalka ka jeedisay fagaaraha banaanbaxa roobdoonka ayaa waxa ay sheegeen in shacabka looga bahanyahay in ay Illaah u towbad keenaan islamarkaana ay ducada badiyaan.
Dhawaanahan ayaa waxaa sii badanayay xaalada abaaraha deegaanada Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay roob la’aan baahsan soo wajahday islamarkaana ay waayeen roobabkii ay u barteen xiliyadan oo kale.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments