Calendar

Askari Maanta lagu dilay Magaalada Boosaaso.

boosaasoBartamaha (Boosaaso):- Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa maanta dilay askari ka mida Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Kooxo aan la garan ayaa duhurnimadii maanta rasaas la beegsaday Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxa ay ahaayeen Kooxo Bitoolado ku hubaysan kuwaasi oo askariga rasaas toos ah la beegsaday xilli uu ku sugnaa xarunta Maamulka Magaalada.

Goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidanka amaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaana halkaasi laga qabqabtay dhalinyaro laga shakiyay.

Dilka skariga ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidanka Puntland ay Howlgalo raaf ah dhawaanahan ka wadeen magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: