Calendar

Amisom oo qabatay nin doonayay qarxinta Diyuurad rakaab ah oo ka duulaysay garoonka Muqdisho.

 

garoonka_diyaaradaha_4Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Nabad ilaalinta Afrikaanka ah Ee Amisom ayaa sheegay in ay qabteen nin dhalinyara ah oo doonayay qarxinta diyurad rakaab ah oo ka duulaysay garoonka Muqdisho.

Major Barighe BoHuku oo ah Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa daaha ka qaaday in ay qabteen nin doonayay qarxinta diyuurada Daalo Airline oo ka mida shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya.

BoHuku ayaa sheegay in ninkan uu watay waxyaabaha qarxa iyo aalado laga samayn karo kuwaasi oo uu doonayay in uu la raaco diyuurtadaasi si uu qarax uga dhex sameeyo Diyuurada.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay muddo 25-cisho ah baaritaan ku wadeen wiilkaasi dhalinyarada ah oo markii danbe ay go’aansadeen in la shaaciyo dhibaatada uu doonayay in uu sameeyo.

Diyuurada Daalo Airline ayaa marka ninkaasi dhalinyarada ah laga qabanayay waxa ay ku sii jeeday Hargaysa-Djabuti iyadoo aan la garanaynin halka uu doonayay in diyaarada uu ku qarxiyo.

Amisom afhayeenkeeda ayaa ku dooday in wiilk dhalinyarada ah uu watay Waxyaaba Kiimika ah iyo aalabada dareera ah oo laga sameeyo walxaha qarxa si uu daqiiqado qarax ugu samaynsan karo.

Hadalka Amisom ay shaacisay ayaa amakaak iyo layaab ku abuuray bulsho badan oo reer Muqdisho ah iyadoo ay su’aalo badan ka dhasheen sababta uu wiilka dhalinyarada ah ku qarxinayo diyuurada ay Soomaali saarantahay oo an dal kale laga lahayn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: