Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Warfaafinta Kooxda Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen dagaaladii Kismaayo ka soo bilowday Ee ku faafay guud ahaan Jubooyinka(War Saxafadeedka).
Â
بسم الله الرØÙ…Ù† الرØÙŠÙ…
Xafiiska Warfaafinta
Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin
19-12-1430 H.
Qoraal Saxaafadeed ku aadan daagalada Kismaayo.
Â
إن الØÙ…دَ لله Ù†ØÙ…دÙÙ‡ ونستعينه ÙˆÙ†Ø³ØªØºÙØ±Ù‡ØŒ ونعوذ٠بالله من شرور Ø£Ù†ÙØ³Ù†Ø§ ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله Ùلا Ù…ÙØ¶Ù„Ù‘ÙŽ له، ومن ÙŠÙØ¶Ù„Ù„ Ùلا هادي له. وأشهد أن لا إله إلا الله ÙˆØØ¯Ù‡ لا شريك له، وأشهد أن Ù…ØÙ…داً عبده ورسوله صلى الله عليه وعلى آله ÙˆØµØØ¨Ù‡ وسلَّم.
Â
 Allaah idankiisa xilligan waxaa gabagabo maraya dagaalkii uu Mujaahidiinta ku soo qaaday Axmed Madoobe, oo tan iyo intii Adis Ababa laga soo tuuray uu ka abaabulaayey degaanada Jubbooyinka, waxayna iskaga difaacayeen falalka colaadda ah iyo gulufka isdaba joogga ah ee uu ninkaaasi soo kordhiyey, kuwaas oo dhammaantood ku aadanaa duminta iyo is-hortaaga Shareecada Islaamka ee ka hirgashay guud ahaan koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Wilaayadaha Islaamiga ah ee Jubooyinka oo ay xudun u tahay magaalada Kismaayo.
Dagaalkaasi ayaa jiitamayey in muddo ah, iyadoo ay jireen hagardaamo aan xad lahayn, daandaansi joogto ah, hanjabaad iyo faragelin arrimaha maamulka, iyo dhibaato noocyo badan leh oo si bareer ah uu Axmed Madoobe ugu geystay maamulada Wilaayadaha Islaamiga ee Jubooyinka; arrimahaas oo dagaalada ka horeeyay waxay keeni kareen inuu qarxo dagaal, balse waxaa isku dhaca diidanaa maamulka gacanta ku hayay gobolka, oo mar kasta dulqaad muujinayey, laakiinse waa isaga qofka nabadda diiday oo duullaan ku soo qaaday kismaayo, wuxuuna xabbada ka bilaabay madaarka Kismaayo, ka bacdina wuxuu mar labaad ka dhex bilaabay bartamaha magaalada, taas oo sabab u noqotay dagaalka. Dhibaatooyinka ka dhashay dagaalada oo idil iyo waxyeellada ay geesteen waxaa masuul ka ah Axmed Madoobe, sidaasi darteed ayaanu u baahan nahay in aanu wax ka ogaanno xaqiiqda ninkaa iyo ujeedooyinka uu la yimid.
 1- Kadib duulaankii Xabashidu ay ku qabsadeen Soomaaliya 27 Dec 2006, AxmedMadoobe wuxuu ka mid ahaa dadkii u gacan galay ciidamada Xabashida, in kasta oo arrinkaasi ay la qabeen dad tiro badan oo Muslimiin ah hadana isagu wuu ka badalnaa dadka xabsiyada loo taxaabay, oo badiyaa la kulmay naxariis darro, qaarkoodna si xun loogu jir dilay, wuxuuna la gaar ahaa arrimo dhawr ah:
Qabashadiisa ka dib waxaa markiiba loo soo celiyay xoriyaddiisa, isla magaalada Kismaayo isagoo joogana wuxuu la heshiiyey ciidamada xabashida ee cadawga ah, sidii isaguba uu ku sheegay shir saxaafadeedkiisi uu ku qabtay Kismaayo, halkaas oo uu ammaan ballaaran ugu jeediyay Ciidankii Xabashida, wuxuuna ku daray in uu ikhtiyaarkiisa ku tagayo magaalada Adis Ababa, arrimo caafimaad darteed.
Dadkii kale markii Allambaqa lagu tuuray Axmed madoobe xabsi lama galin ee wuxuu ku raaxeysanayay hotelada waaweyn ee magaalada Adis Ababa, halkaasi oo uu waqtigiisa ku qaatay mudadii ay Xabashidu xoogga ku joogeen dhulka Soomaaliya, iyadoo maamuus heer sare ah ay siisay dawladda Itoobiya; xilli mujaahidiin badan oo rag, dumar iyo caruur intaba leh lagu dhibaateynayay xabsiyada Xabashida, Arrinkaasina wuxuu tuhun galiyay dadweynaha Soomaalida ee la socday goboodfalladii ay ku kacayeen ciidamada Xabashida, waxaana faaftay in Axmed Madoobe loo tababarayo dalka in dib loogu soo celiyo xilliga loo baahdo, isagoo xabashida wakiil qarsoon u ah! hadda oo ay fashil ku dhawdahay mu’aamaradii Shariif, waxaa la gaaray doorkii Axmed madoobe oo markii dib loogu so celiyay dalka durbadiiba ka bilaabay gulufkiisii xoogga lahaa oo ku aadanaa fashilinta Maamulada Islaamiga ah ee Jubbooyinka gaar ahaan maamulka magaalada Kismaayo, iyo dib ugu celinta bulshooyinka Jubbooyinka isqoqobka iyo dagaal beeleedyadii laga caafimaaday, waxaana fulinta damaciisaasi uu u sameeyay wax kasta oo laga xishoodo, isagoo dumiyey waxyaabihii lama taabtaanka ahaa oo idil, ilaa uu gaaray heer uu gabaad kasoo dhigtay shaar Mujaahid, isagoo raba inuu fuliyo qorshaha loo soo dhiibay ee loogu yeero “ØØ±Ø¨ الدين باسم الدين “ , taas oo macnaheedu yahay “In diinta lagula diriro magaca diinta”.                     Â
Markii ugu horreysay maaha in gaaladu ay dib u soo hawl galiyaan maxaabiista ay qabsadaan, waxaa inna soo maray rag badan oo gacanta cadawga galay ka dibna dib loogu soo celiyey iyagoo cadawga u shaqaynaya; waxaana ka mid aha Buudiyaaf iyo Cabdulcaziz Bootafliqa Jazaa’ir, Abuu waail Ciraaq, iyo Shariifka Soomaaliya. Maamuuska uu Axmed Madoobe ka helay maamulka Meles Zenawi waxay iyaduna billow u aheyd wajigii cusbaa ee uu Axmed madoobe dalka kula soo laabtay kaas oo ahaa Ashahaado La dirir iyo iska horkeenka safka Mujaahidiinta, oo ay dheereyd majaxaabinta maamulada Islaamiga ah ee ka hanaqaaday dalka, durbadiiba markii uu ka soo dhaqaaqay dalka Itoobiya wuxuu gudagalay fulintii howlihii loo igmaday.
Allaah fadligiis, dib u soo celinta Axmed Madoobe waxay ku beegneyd xilli ay mujaahidiintu muquuniyeen ciidamada xabashida, dalka oo dhanna ka saareen, gobollada dalka intooda badanna dib ula wareegeen, halkaas oo ay maamulo Islaami ah ka hirgaliyeen. Nasiib wanaag Raayadda Tawxiidka ayaa ka dul babaneysa maanta koonfurta Somaaliya inteeda badan, taas oo astaan u noqotay gobolada la xoreeyey, dhaqan galinta Shareecada Islaamka oo kaamil ahna waxay noqotay waaqic jira oo ka mid ah nolol maalmeedka bulshadeena Muslimka ah. Haddaba magaalada Kismaayo waxay hormuud u ahayd oo ay safka hore kaga jirtay goobahaas, oo laga dhisay maamulouu u arrimiyo Kitaabka Allaah (Quraanka kariimka).
Iyadoo jihaadku socdo walina cadawgu gacanta ku hayo Madaxtooyada, Madaarka iyo Dekedda magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, ayuu Axmed Madoobe wuxuu u soo duubtay in uu dumiyo Shareecada Islaamka, dadka wadana dagaal ku furo, badelkeedana uu jaahiliyaddii la burburiyey dib u soo nooleeyo, iyo inuu wax-kama-jiraan ka soo qaado jihaadkii la galay mudadii ay xabashidu dalka joogtay, waxaa la jira inuu macno la’aan ka dhigo guushii la gaaray, shareecada la hirgaliyey, iyo dhiiggii Shuhadadeena qaaliga ahaa oo la huray, dhaawicii ku laxaad beelay, armalooyinka iyo caruurta laga shahiiday, iyo dhammaan burbur iyo barakac wixii bulshadeena soo gaaray.
       Bilawgii hore wuxuu ku biiray shirqoolkii Jabuuti ay gaaladu ka maleegeen ee badalay mashruuca duulaankii Itoobiya, ujeedkiisuna ahaa in lahor istaago ku dhaqanka Shareecada Islaamka lana fogeeyo Mujaahidiinta, waxaana Axmed Madoobe uu ahaa xubin buuxda oo tirsi go’an ku leh “Golaha Sharci dajinta” ee dawladda Ridada ee uu Shariif madaxda ka yahay, Taasina wax qarsoon maaha ee waa arrin la shaaciyey isaguna warbaahinta u sheegay.
 Masuuliyaat badan oo ay qeybsadeen xubnaha dawladda riddawday ee lagu soo dhisay magaalada Jabuuti ayaa ruuxba meel loo caleemo saaray, Axmed Madoobe waxaa ku soo aaday gobollada Jubbooyinka, halkaas uu hawshiisa ka bilaabay inuu garabsado xubnihii hore ee dawladda Ridada oo la yiqiinay, kuwaas oo cabsi daraadeed si qarsoodi ah kaga shaqeynayay gobollada Jubbooyinka. Laakiin taasi waxay noo ahayd dhuumasho dhabarku muuqdo.
Dhinaca kale qandaraaska Axmed Madoobe loo soo dhiibay waxaa ku gacan siinayey dawladaha gaalada ah ee Kenya iyo Xabashida oo si gaar ah u danaynayey, arrinkiisa waxa kale oo ogaa dawladda Mareykanka, waxayna hawlaha u daadihinayeen si dadban iyo si toos ah labadaba,waxaana si dhaw ula socotay safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Tan iyo xilligii la soo gabagabeeyay shirqoolkii wadanka Jabuuti lagu soo dhisay, wuxuu Axmed Madoobe ku jiray abaabul xooggan, kaas oo ka qayb ahaa tagiddiisa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan caadi ahayn, waxay dawlada Kenya u aragtay fursad, halkaasi oo imaatinkiisa ka hor ay ka sii socdeen qabanqaabo ay sameynayeen xildhibaano iyo masuuliyiin ka mid ah dawladda Kenya, qabanqaabada iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ee la socday waxay shiishka ku hayeen Wilaayadaha Islaamiga ah ee ka hanaqaaday Jubbooyinka. Waxayna ku guda jireen sidii loogu furi lahaa jabhado lagu dumiyo maamulada Islaamiga ah ee curdinka ah, oo la mid jabhadaha Itoobiya isku difaacdo ee ay ka furtay Galguduud, Hiiraan iyo Gedo. Isla markaana Axmed Madoobe uu u horboodi lahaa, maadaama isaga uu yahay ninkii xilligan hawshan oo kale looga gudbi lahaa.
 Safaaradda Mareykanka iyo masuuliyiinta Kenya kulamo ay ka abaabuleen Nairobi ayaa la isugu yeeray odayada dhaqanka, horjoogayaal maleeshiyaadka qaybo ka mid ah iyo dad kale, waxaana halkaasi la iskula soo qaatay mashruuc dhameystiran oo ka dhan ah Maamulada Islaamiga ah balse ay iska diideen odayaal dhaqameedyo qaarkood oo maantaba jooga, xaqiiqdaasina goob joog u ahaa.
Axmed Madoobe oo horseed u ah hirgalinta shirqoolka mudada dheer la soo falkinayey wuxuu ugu horrayn si weyn u guda galay ururinta ciidamo horle, oo badidooda mar hore loo sii tabcay iyo isku duwashada taageerayaal cusub. Isla mar ahaantaana wuxuu xiiriir degdeg ah la sameystay Ibraahim Shukri oo xubin ka ah guddiga amaanka ee kooxda Ridada, Macalin Max’ed oo ka tirsanaa dawladdii Cabdillaahi Yuusuf iyo Sh Daahir oo isaguna ciidamo gobolka ugu hayay dawlada Shariif, kuwaas dhammantood si fudud hoostiisa u yimid.
Balse nasiib darro abaabulkaasi waxaa ugu weynaa majaxaabinta Mucaskarka Kaambooni ee islaamiga ahaa iyo inqilaabka uu kula wareegay maamulkiisa, markii ay taasi u suuragashay waxay u sahashay in uu soo dhexgalo Mujaahidiinta, si carqalad la’aan ahna uu u dhex marmaro qeybo ka mid ah goobihii shareecada laga hirgaliyay, oo ay ka mid ahaayeen gobollada Jubbooyinka, Shabeelada hoose… goobahaasi oo furashadooda ay Mujaahidiintu dhiiggooda qaaliga ah u hureen mudadii uu Axmed Madoobe ku dhex noolaa xarumaha Mukhaabaraatka Xabashida.
Hase ahaatee waxa is dabooli waayey wuxuu Axmed madoobe sheeganayo iyo dhinaca uu wax u wado, oo aan marnaba is qaadan Karin, markaa wuxuu u muuqday qof isagu iska hor imanaya! Taasi oo keentay in laga aamin baxo. Hadalladii uu ka jeediyay magaalada Kismaayo iyo tagitaankiisii Muqdisho wuxuu ka damacsanaa raadgadasho uu ku khafiifinayo dabagalkii ay ku hayeen Mujaahidiinta Mucaskar-ka Kaambooni oo ka gadooday falalkiisa leh sumaddii “Ashahaaado la dirirnimo”, balse tallaabooyinkiisii bar bar socday hadalka raadgadashada ah iyo dhaqaaqii Milatari ee uu waday ayaa daliil muuqda u ahaa in uu wali sii hayo dhabihii dibadda loogu soo jeexay, uuna fulinayay mashruucii loo soo wakiishay ee ku jiheysnaa Wilaayadaha Islaamiga ah ee Jubbooyinka.
Â
Haddaba haddii la is weydiiyo maxaa laga dhaxlay soo laabashadii Axmed Madoobe? waxaa kuu soo baxaaya arrimo ay ka mid yihiin kuwan:
Dib u soo nooleynta qabyaaladdii ay duugeen Mujaahidiintu, khalkhal galinta nabaddii la helay iyo sameynta colaad artafishal ah oo qabaa’ilka la isku jabiyo.
 Waxaa taasi ka sii fool xumaa faldambiyeedka taariikhiga ah; waa isku dayga lagu duminayo maamulka Islaamiga ah iyo hor istaagidda fulinta Shareecada Islaamka.
 Burburintii Mucaskarki Kaambooni iyo bannaynta dhufaysyada difaaca ee ay ku aadanaayeen, siiba dhinac Kenya oo ciidamo soo dhoobtay goobaha uu soo banneeyey, si loo baro bixiyo mujaahidiinta waxaa iyadana dhinaca kale uu xoojinayay dhismaha jabhadda ONLF, maleeshiyada Macalim Max’ed, mooryaan iyo cid kasta oo lid ku ah hirgalinta shareecada Islaamka, oo colaadi kala dhaxaysay mujaahidiinta kaambooni.
Waxqabadka noocaas ah ee Axmed Madoobe waxaa u riyaaqay dawladda Ridada, dawladaha dariska iyo gaalada oo dhan, si gaara waxay ugu nasteen markii uu ciidamada ka soo saaray dhufeysyadii ay kaga horjeedeen cadowga ku sugan Muqdisho, Gedo iyo meelo kale iyadoo uu dagaalkii cadowga ku soo jiheeyay Mujaahidiinta, halkaasi oo gaaladu ay kaga badbaadeen xabaddii Mujaahidinta.
 Arrimahaasi oo dhan waxay gogolxaar u noqdeen duulaankii qaawanaa ee Maleeshiyaadka taabacsan dawladda ridada ee ay uruuriyeen Macalin Max’ed, Ibraahim Shukri, iyo Daahir oo uu horboodayay Axmed Madoobe ay ku soo galeen magaalada Kismaayo 27-ki Sept 2009. Dhinaca kale waxay ku talo galeen in ay foolxumeeyaan sumcadda bulshada Jubooyinka ee Muslimiinta walaalaha ah oo uu colaad ka abaabulay dhexdooda, dadka wax-magaratada ahna waxay dhagahooda ka badiyeen in dagaalku uu ka dhexeeyo mujaahidiin, si ay u sumcad xumeeyaan mujaahidiinta.
Dagaalkii Kismaayo waxaa u sabab ahaa oo xabadda afka ka saaray waa ciidamada magaalada kor kasoo galay, ee weerarka ku soo qaaday fariisimadii ciidamada Xisbada ee Wilaayada Islaamiga, taasi oo horseeday dagaal maamulka Islaamiga ah uu galay si loo difaaco Shareecada Islaamka iyo nafaha Mujaahidiinta ee xabadda ku socoto, waxaana halkaasi ka soo baxday ujeedkii gurracnaa ee Axmed Madoobe iyo in uu qeyb buuxda ka ahaa maamulka ridada, taasina waxaa tusaale inoogu filan hanbalyadii ay Muqdisho kaga soo direen Kooxda Ridada markii magaalada Kismaayo uu soo galay, waxaa la yiri “wixii uurku jecelyahay afkaa kaa xada” hadaba hanbalyadaasi waxay hilmaamsiisay qorshihii sirta ahaa ee duminta maamulka Islaamiga ah oo banaanka ay soo dhigeen iyagoo ka hordhacay natiijada dagaalka.
Muddo bil iyo dhowr iyo labaatan cisho ka dib oo hadda laga joogo dagaalkii Mujaahidiintu ay la galeen Axmed Madoobe ayaa waxaa sii cadaanaya xiriirkiisa cadowga Islaamka ee fog iyo kan dhaw, dawladda ridada ayaa ugu soo horeysa, waxaa ku xigta xulifanimadiisa jabhadda ONLF ee dhaqan bi’iska ah, waxaa raacay xiriirkiisa dawladda Nasaarada Kenya iyo maleeshiyada looga abaabulay gobolka W/Bari, waxaana halkaasi ka soo baxay dhabnimada in uu Axmed Madoobe ahaa adeege daacad ah oo lagu soo barbaariyay Hotelada mukhaabaraatka Itoobiya. Arrimahaasi oo dhanna waxay sii adkeeyeen xujjadii Mujaahidiintu ay heysteen ee aheyd in Axmed Madoobe uu ka mid yahay Murtaddiinta dawladda Ridada ee dibadda laga soo abaabulayay.
Allaah fadligiisa dagaalkii Kismaayo wuxuu ku soo afjarmay isla gelinkii hore ee maalintii ay xabadda bilaabeen, intaa wixii ka danbeeyayna waxaa Allaah uu ku mannaystay Mujaahidiinta guulo waaweyn, waxaana u suura gashay in ay ku baahiyaan Shareecada Islaamka deegaano badan oo Axmed Madoobe iyo Ibraahim Shukri ay ka hor joogeen oogidda xuduudda iyo hirgalinta shareecada Islaamka.
Â
     Runtii isaga iyo xulifadiisuba waxay ku dhabar adeygeen meel marinta ujeeddooyinkooda gurracan ee ka dhanka ah Islaamka.
Â
Gunaanadka
        waxaan u sheegeynaa Umadda Muslimka ah ee Somaliyeed in ay naga go’an tahay hirgalinta shareecada Islaamka iyo difaaca dhulka muslimiinta. Cadaw kasta oo soo duula iyo cid kasta oo uu soo adeegsado waanu ka difaaceynaa. Waxaana ula diriraynaa sida aan ula dirirnay walina ula dirireyno cadowga Shareecada ee wajiyada kala duwan ku soo hawl gala, laga soo bilaabo odayga gaalada u weyn Mareykanka ilaa dabadhilifyada lagu adeegto ee dalalka ku daadsan; sida kooxda shariifka ee riddowday, waxaa kale oo aan u sheegaynaa si cad oo aan mugdi iyo madmadaw ku jirin in aan heshiis la nahay cid kasta oo hirgalinta Shareecada Islaamka ogol.Â
Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu tubta toosan nagu duwo, islaamkana guusha siiyo.
وآخر دعوانا أن الØÙ…د لله رب العالمين
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.