Calendar

Alshabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay weerarkii Diyuuradaha Ee ka dhacay Degmada Baraawe Gobolka Sh/Hoose.

sheekhBartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Kooxda Alshabaab ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay Weerarkii diyuuradaha Maraykanka ay u geysteen gaari ay saarnaayeen saraakiil Alshabaab ah.

Sheekh Cali Maxmuud (Cali Dheere) afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fal cadowtooyo ah islamarkaana ay geysreen dowladaha Cadowga ku ah Xarakada Mujaahidinta sida uu afhayeenku sheegay.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay rag mujaahidiin ah ay ku shahiideen islamarkaana aan wax dhibaata ah ka soo gaareynin Jihaadka ay ka wadaan dalka sida uu hadalka ugu dhawaaqay afhayeenka.

Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in Xarakada Alshabaab ay dagaalada ku sii dhiiran doonto dagaalada ay kula jirto kooxaha dalka ku soo duulay sida uu sheegay islamarkaana aanay weerarkaasi dhib u keeni doonin.

Afhayeenka ayaa inta badan waxa auu ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeri ah uu ka bixiyo weerarka iyo cadada saraakiisha lagu dilay Weerarkaasi oo dowlada Maraykanka ay guula ka sheegatay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: