Calendar

Alshabaab oo maanta Burburisay Wadooyinka Suuqa Bakaaraha(Daawo Sawirada).

Copy of DSC03744Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa maanta burburisay goobo ganacsi iyo wadooyin dhex mara Suuqa Bakaaraha Muqdisho.

Howl-gal ay maanta sameeyeen Maamulka Gobolka Banaadir Ee Kooxda Alshabaab ayaa lagu burburiyay dhismayaal ku yaala suuqa Bakaaraha oo wadooyinka laga dhisay iyo Jardiinooyinka ku yaala hareeraha Laamiyada dhex mara Suuqa.

Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto” oo watay Ciidan badan iyo shaqaalaha xagga dhismaha ka shaqeeya ayaa waxa uu amray in dhulka laamiga ah lala simo albaabyada hore ee dhismayaasha shirkadaha oo laga dhisay Jardiinooyin.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale amray in la furo dhammaan wadooyinka gudaha suuqa Bakaaraha isagoo shaqaalaha burburinta u adeegsaday dhismayaal iyo gaari gcano la dhex dhigay suuqa Bakaaraha.

Howlgalkan oo socanayay saacada badan ayay shabaabka ku fureen wadooyin badan iyadoo dhulka lala ekeeyay dhismayaasha Laamiga hareertiisa ah iyo Jardiinada iyo jaranjarada ay dhisteen Shirkadaha waaweyn ee Ganacsifa.

Howlgalkan oo aan nuuciisa la samayn dhawaanahan ayaa waxaa lagu burburiyay goobo ganacsi oo badan iyo jardiinada laga hareer dhiso wadooyinka laamiga ah oo marshabiyeedigii laamiga la soo saaray markii dhulka lala ekeeyay jardiinada ay shirkadaha daaraha dhaadheer leh ay samaysteen.

Daawo Sawirada:-


Copy (2) of DSC03746

DSC03749

DSC03745

Copy of DSC03744

Copy of Copy of DSC03747

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: