Calendar

Alshabaab oo heshay gaari aanay Karin Xabadaha yaryar.

images (2)Bartamaha (Muqdisho) :- Wararka naga soo gaarya Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan In maleeshiyada alshabaab ay heleen gaari Qaramada Midoobe ay lahayd.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa Xalay weerar ku qaaday deegaan goobaale oo ku yaala duleedka Mahadaay halkaasi oo ay ka soo kexeesteen gaari Un-ka ay lahaayeen oo lagu qariyay deegaanka.

Gaariga oo muddo sanad ka badan ku xaraysnaa Xero Xoolaha lagu xareeyo oo ku taalay Deegaanka Mahadaay ayaa Xalay galay faraha Kooxda shabaab.

Gaariga ay shabaabka qabsadeen ayaa waxaa ku buufsanayd Calaamada hay’ada UNICEF oo markii hore uga carartay Magaalada Jowhar Ee Gobnolka Sh/Dhexe.

Gaarigan ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu yahay midka aanay Karin rasaasta yaryar ee ka dhacda Boobayaasha waxaana inta badan lagu qaadi jiray saraakiisha Muhiimka ah ee Qaramada Midoobe.

Dadka magaalada Jowhar ayaa waxa ay arkayeen saaka gaariga nuuca ay lahay Qaramada Midoobe oo astaantaasi lagu soo buufiyay kaasi oo ay dulsaarnaayeen Ciidanka shabaab oo ku dhawaaqayay ‘Alaahu Akbar”.

Waxaa horay loo xasuustaa in ALshabaab ay isku qarxiyeen gawaari lagu soo buufiyay astaamaha UN-ka kuwaasi oo lagu laayay saraakiil Amisom iyo kuwa Dowlada ahaa oo ku shirayay xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: