Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada dilkii xalay loo gaystay taliyihii nabad sugida maamulka Kismaayo
Kismaayo_ Xoogaga Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu gaystay taliyihii nabad sugida ee magaalada Kismaayo Ciise Kaambooni,
Sarkaal katirsan Al-shabaab ayaa sheegay in dilka taliyihii nabad sugida maamulka Kismaayo ay iyagu kasoo shaqeeyeen, waxaana dilka fuliyay mid kamid ah ilaalada taliyaha oo horay Al-shabaab ula shaqayn jiray.
Waxaa kale oo rasaas uu furay ninka dilka gaystay ku dhintay labo kamid ahaa ilaalada taliyaha, maydka taliyaha ayaa lageeyay madaxtooyada maamulka jubba iyadoona manta lagu aasi doono magaalada Kismaayo.
Ciise Kaambooni ayaa muddo kamid ahaa saraakiisha Raaskamboni ee uu hogaaminayay Axmed Madoobe kahor inta uusan gacanta ku dhigin Kismaayo, waxaana sarkaalka la dilay ay aad isugu dhowaayeen hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.
Waa markii ugu horaysay oo dil noocani oo kale ah uu kadhaco magaalada Kismaayo, waxaana arrintani ay umuuqata mid dhabar jab ku nqon karta maamulka Jubba.
Comments
comments