read more »">

Calendar

Al-Shabaab oo Muslim iyo Gaal u ogolaaday in ay u gar gaaraan dadka ay abaaruha la il daran.

Al-Shabaab ayaa markii ugu horaysay ogolaadan in gar gaar la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu ay ku saameeyeen gobalada wadanka Soomaaliya.

 

Afhayaynka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in ay soodhowaynayaan dadka Muslimiinta ah iyo kuwa aanan Muslimka ahayn ee xiligaan gar gaaraya dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dadka doonaya in ay gar gaaraan dadka Soomaaliyeed oo aanan dano kale lahayn in ay soodhowaynayaan isla markaan ay la soo xariiri karaan Al-Shabaab.

 

Arintaan uu ka dhawaajiyay Sheekh Cali Dheere Afhayaynka ugurka Al-Shabaab ayaa waxa uu ku soo adayaa xili Al-Shababa ay horay u mamnuuceen in hay’adaha samafalka ay ka howlgalaan meelaha ay maamulaan.

Ugu danbeyntii hadalkaan afayenka ururka al shabaab ayaa waxa uu imaanayaa xili dadka Soomaaliyeed ay haatan ku noolyihiin xaalad nololeedtii ugu liidatay taasi oo keentay in dad badan ay abaaraha dartood u geeriyooday.

xafiiska wararka bartamaha : muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: