Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca oo cambaareysay hadalo dhawaan ay baahiyeen Saxaafada Puntland.
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Eek u dhaqan Deegaanada Maamulka Puntland ayaa shaliil u jeedisay qaar ka mida warfidiyeenada Puntland.
Sheekh Cali C/qaadir oo ah Madaxda Culimada Ahlu-sunnah Ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in saxaafada Deegaanadaasi ku dhaqan ay badaleen hadal dhawaan ka soo baxay qaar ka mida Culimada kaasi oo ka hadlayay arinta Maalinta Ciida.
Wadaadkaasi u hadlayay Culimada Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay wadadaada fareen in aan lagu dag-dagin maalinta ciida balse aanay dhihin dib haloo dhigo Dukuashada Salaada Ciidul Fidriga.
Masuulkaasi u hadlayay  culimada Ahlu-sunnah wal-Jamaaca Puntland ayaa waxa uu sheegay in aanay Wadaadada samayn doonin wax aanay raali ka ahayn maamulka Dowlada goboleedka Puntland .
 Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments