Ahlu Sunnah “Ciidanka ahlu sunnah way ka awood badanyihiin kuwa Dowlada…”

Posted on Aug 4 2010 - 11:19am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu sunahBartamaha (Muqdisho):- Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa daaha ka rogtay in awooda Ciidankooda uu gaaray heerkjii ugu saraysay.

Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-jamaca Sheekh C/laahi Sheekh C/Raxmaan “ Abuu yuusuf Al Qaadi” oo saxaafada war siinayay ayaa sheegay in Ciidankodoa uu ka awood badanyahay kuwa Dowlada.

Al-Qaadi ayaa xusay in awood ahaan Ciidankooda uu ku sii balaaranayo gudaha Muqdisho isagoo xusay in ay ka awood badanyihiin askarta Dowlada.

“Ciidanka ahlu sunnah way ka awood badanyihiin kuwa Dowlada oo xilli waliba anaga ayaa gacan siinaa askarta Dowlada oo laga soo awood roonaaday…” ayuu yiri afhayeenka Ahlu sunnah.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Ciidanka ahlu sunnah ay qabsadeen Deegaano badan oo askarta Dowlada ay gaari waayeen sida xaafadaha ku dhow Suuqa Bakaaraha.

Al-qaadi waxa uu sheegay in askarta Dowlada ay xilli waliba ka soo cararaan Kooxda Mucaaradka taasi oo qasabtay in Villa Somalia rasaas laga joogi waayo sida uu hadalka u dhigay.

Masuulkan ayaa sheegay in Ciidankooda ay sii balaaranayaan islamarkaana dhammaan Xerta ku jirtay masaajida ay haatan Hubka qaadeen si ay u difaacaan deegaanada ku yala Muqdisho maadaama askarta Dowlada ay awoodooda yaraatay.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Ciidan badan oo ahlu sunnah ku magacaaban laga abaabulay gudaha magaalada wallow la sheego in taageerada ugu badan ay ka helan saraakiisha laamaha ammaanka Dowlada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-