Aas qaran oo loo sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada Sare (Daawo Sawirada).
Bartamaha (Muqdisho):- Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta aask qaran loogu sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada Sare oo Xalay ku geeriyooday Muqdisho.
Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Cumar Faarax Indhobuur ayaa Xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ka gadaal markii muddo uu ku xanuunsanayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Xarunta Villa Somalia ayaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Dr. Maxamuud Cumar Faarax Indhobuur waxaana aaskaasi ka qeybgalay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo,Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, ku xigeenka 2-aad ee Afheyeenka Baarlamanka Axmed Dhimbil Rooble Casawe.
Dhammaan madaxda ayaa ku dukaday Villa Soomaaliya Janaasada maydka waxaana markii danbe aas ahaan loo qaaday Marxuumka qabuuraha Sheekh Suufi ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee bariga Afrika.
Comments
comments