Calendar

Afayeenka AMISOM oo Qiray in Ciidamada Kenya ay kabixi Doonaan Kismaayo

Korneed xamuud

Kismaayo _ Afayeenka Ciidamada AMISOM Col, Cali Aadan Xumad oo waraysi siiyay laanta af- soomaliga ee BBC-da aya waxa uu markii ugu horaysay kawaramay wararka sheegay in ciidamada Kenya ay kabaxayan Magaalada Kismaayo.

Col. Xumad ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay kabixi doonaan magaalada kismaayo waxaana uu sababka uga dhigay dib uhabayn qorshaha ciidanka ah oo socda.

Afayeenka ayaa sheegay in ciidanka Kenya aysan kabixi doonin hawlgalka AMISOM balse lagu bedeli doono deeganada ay kajogeen Ksimaayo ciidamo kasocda dalalka Sierra Leone iyo  Brundi.

…, Ciidamada Kenya weli qayb ayay ka ahaan doonaan Hawlgalka AMISOM, keliya Kismaayo ayay kabixi doonaan waxaana lagu bedeli doonaa ciidamada Sierra Leone iyo ciidamada Brundi, waxaana jiri doonaa qayb yar oo ciidanka Kenya ah oo joogi doona Kismaayo…, sidaasi waxaa yiri afayeenka AMISOM.

Afayeenka oo wax laga waydiiyay waxa kalifay in la isu bedelo ciidamada ku hawlagala AMISOM ayaa sheegay inay sababtay kadib markii ciidanka Itoobiya kusoo bireen Hawlagalka AMISOM.

…,, Waxaa keenay Isbedelada dhacay kadib markii ay ciidanka Itoobiya kusoo bireen AMISOM, waxayna hogaanka uhayn doonaan qaybta saddexaad ee Baydhabo..,, ayuu yiri Col. Xumad.

Kabixitaanka ciidanka Kenya ee Kismaayo ayaa waxaa sabab looga dhigayaa dowlada soomaliya oo saluugsan in ciidamada Kenya ay kusugnadaan Kismaayo, kadib markii ay dhowr jeer dowladu ku eedaysay ciidamada Kenya inysan dhex dhexaad ka ahayn siyaasinta ku loolamayay Kismaayo.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Kismaayo

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: