Yuweri Musafani oo u dhaartay Alshabaab.
Bartamaha (Kampala):- Madaxweynaha Ugandha ayaa dhaar ku maray in ay ka taqalusayaan Kooxda Shabaab dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Ugandha oo furayay maanta shirka Madaxweynayaasha Wadamada Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay diyaar u tahay dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Yuweri Musafani ayaa waxa uu jeediyay Khudbadii ugu kululeed abid isagoo u hanjabay Maleeshiyada shabaab in uu ka tirtirayo dalka Soomaaliya.
Musafani waxa uu ku booriyay madaxda Afrikanka ee gaaraya 50-ka dal Madaxdooda in ay iska ilaaliyaan qatarta Kooxda argagxisada ah ee Alshabaab.
Madaxweynaha Ugandha waxa uu Madaxda Wadamada Afrika ka dalbaday in Ciidanka Amisom laga dhigo Nabad dhaliyayaal si dalka soomaaliya loogu weeraro meel walba ay ka joogaan Kooxda Al-Qaacida.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments