Yuusuf Indha Cade wasiir dowladaha gaashaandhiga aan wareegtadiisa la arag oo weerar afka ah ku qaaday Amiirka Al-shabaab iyo Osama Bin Laden.

Posted on Jul 1 2009 - 7:46am by News Desk
Tweet
Pin It

indhacadeBartamaha(Muqdisho):- Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda federalka Soomaaliya oo xalay si rasmi ah jagadaasi loogu dhaqangaliyay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo xalay hadal ka jeediyay munaasibadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxa uu si kulul u weeraray hoggaamiyaha Al-qaacidah Osama Bin Laden iyo hoggaanka xarakada Al-shabaab.

“Osama Bin Ladin waa Sheekh wayn oo agtayda karaamo leh, ma doonayo inaan wax ka sheego, waxaan maqlayay isagoo leh dawladda Soomaaliya ma ahan dawlad Islaami ah, runtii wadaadka taasi wuu ku qaldamay wadaadka, Ilaahay ha u towbad keeno ayaan leeyahay, Soomaaliya culimo ayay leedahay, culimadaasi waxay garanayaan wacyiga uu dalka ku jiro, dhibaatada taagan, amnigeeda iyo amni darradeeda” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo intaasi ku daray in Masiirka shacabka Soomaaliyeed ay u taallo culimada Soomaaliyeed, Osamana uusan shaqo ku lahayn.

Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu sidoo kale si kulul u weeraray xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo fulinaya amaro iyo xukuno ka soo baxaya Pakistan, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay caqabad ku yihiin nabadda dalka Soomaaliya, ayna doonayaan inuu dalka Soomaaliya uusan weligiis yeelan nidaam iyo kala dambeyn oo dadkii ay rabaan ay dilaan oo ay gaalaysiiyaan, dadkay rabaana ay xukun aan loo dhamayn ku fuliyaan.

“Al-shabaab kuwa la baxay dawladda gogol ayay u fidisay, waxaa laga dalbaday in waxa qaldan laysla saxo haddii tahay dhinacooda iyo dhinaca dawladda, way diideen oo ay ka doorteen dagaal, marka ma suurto galaysaa qori afkiisa ayaan kugu gaalaynayaa, kugu musliminayaa, annaga Islaam ayaan nahay, Islaanimada waxaan uga dayanaynaa Rasuulka (CSW) ma ahan inaan uga dayano ninka sheegta Amiirka Al-shabaab ee Axmed Godane, waan is garanaynaa, nin culimo ah oo diinta yaqaana ma ahan” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.


hadalkan masuulkaasi aan jagada dowlada uu ka hayay aan horey loo agaan ayaa imaanaya xilli xalay khudbad sikyaasadeed kaliya laga jeediyay munaasabadii maalinta xuriyada dalka soomaaliya.

 



Xafiiska wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

 

 

Â