Xukuumadda: Wariye Cabdi Casiis Koronto waa Ku cadaatay Been abuurka uu sameeyay
Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda oo ka hadlayay Xarigga Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Koronto ayaa waxa uu sheegay in warar ku tura ku teen ah uu ka fidiyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayna ku so cadaatay.
Wasiirka ayaa sheegay in Markii ay dib uu eegeen Warbixinadda uu ka diyaariyay arinta Kufsiga Gabdhaha islamarkaana ay dabagal Ku sameyeen ay gabi ahaan yihiin kuwa Been abuur ah oo sal iyo Raad toona lahayn isagoo inta ku daray in ay ku soo bandhigi doonaan Been abuurka uu sameeyay Wariyaha Maxkamadda qaadeysa Dacwadiiisa.
Dhanka kale Wasiirka ayaa Carabka ku dhuftay in dib Loo dhigay dacwadda Cabdi Casiid sababo uu ku sheegay in ay Codsadeen qareenadiisa.
Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa Loo heestaa Warbixin uu ka diyaariyay Fal kufsi ah oo uu sheegay in lagula dhaqaaqay Gabar Soomaaliyeed oo ay U geesteen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya isagoo soo Xiganaya Gabadha sheegtay in falkaasi Kufsiga ah lagula dhaqaaqay
Comments
comments