Xukumada Sharma’arke oo berito laga sugayo Baarlamanka.
Bartamaha (Muqdisho):- Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa laga sugayaa maalinimada berita ah Baarlamanka hortiisa ka dib markii muddo la horkeeni waayay Xukumada Cusub ee la dhisay.
Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka Soomaaliya C/Wali Sheekh Muuday ayaa maanta baarlamanka hortiisa ka shaaciyay in maalinimada berita ah ay sugayaan Ansixinta Xukumada KMG ah.
Gudoomiye Xigeenka waxa uu sheegay in Baarlamanka laga sugayo Xukumada islamarkaana ay gaarsiiyeen dalabkii ku aadanaa in la keeno Xildhibaanada hortooda Wasiirada Cusub ee Dowlada si loo ansixiyo.
Golaha Wasiirada ayaa waxa ay iska guda galeen shaqooyinkooda markii xilalkaasi loo dhaariyay xilli aanay hor’iman baarlamanka Soomaaliya si loo ansixiyo Xukumada Cusub ee Sharma’arke uu soo dhisay.
Kulani maanta ay yeelanayeen Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxa ay si toos ah u sii wateen mowshinkii ka yalay Xeer Hoosaadka oo weli aan helin codka kalsoonida iyadoo xildhibaanada ay weli wadaan ka doodida xeer hoosaadka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments