Xilka Mahiga ma aha dhisid ee waa burburin. Maqaal xaqiiqo ka hadal ah.
Waxaan la yaab ahayn in dad shaqo ka dhaxaysaa ay ku kala aragti duwaanaadaan si da shaqadaas looga miro dhalin karo ee ugu fudud uguna kharash iyo khasare yar. Hadddii khilaaf noocaasi yimaado waxaa la fishaa in dadka khilaafkaasi ka dhex curtay gaar gaar dib iskugu noqdaan oo bal aad u sii dhuuxaan waxa dhinac kale ka yeeraya say uga dhex helaan wax loo qateen noqon kara oo miisaanka ay ku daraan wixii ka jira.
Markii dhinac walba si fiican u darsi waxa xagiisa ka qaldan iyo waxa xaga kale ka saxsan ama ka qaldan waxaa aad u suurtogal ah in meel dhexe la iskugu yimaado waliba meeshaa oo ka fiican wixii dinacyadu kala gooni gooni u wateen. Haddii dib iskugu- noqosho dabadeed meel wax la iskugu keeni waayo ayadoon dhinac kali wadi Karin hawsha waxaa la raadsadaa cid sedexaad oo an qayb ka ahayn khilaafka oo tilmaanta tubta habboon ee loo marayo qabashada hawsha ayada ah.
Talo weydiisigaa iyo xalka noocaas ah waxaa la gaaraa oo u heshiis lagu wada qanco keenaa marka dhinacyadu ka duulayaan isku rabitaan iyo isku walwal sida looga fadhiyey kuwa sheeganaya in ay somali madax u yihiin. Xataa marka an laga duulayn isku rabitaan iyo isku walwal ee dhinacba raadinayo in u kan kale ka gulaysto oo rabitaankiisa kaliyihi meel maro waxaa loo baahan yahay qolo sedexaad oo ka garnaqda waxa la isku hayo. Dadka somali badanki waxaa la galiyey markii hore in khilaafka mada-ku-sheega somaliyeed u ahaa noocan dambe una dhexeeyey labada shariif, bulshada caalamkuna oo Mahiga wakiil ka yahaynahay ay leedahay xilka dhexdhexaadinta. La mood mase noqon.
Dad badan oo somali ahi waxey hore u garwaaqsadeen in ayna jirin bulsho caalam oo u danaynaysa somali, dagaalka maanta somaliya taaganina usan u dhaxayn mid u dhaxeeye laba shariif ee u dhaxeeyo :
1. Wakiilka UN –ka iyo xukuumada u madaxda ka yahay Formaajo.
2. Dhallin yaro somali Qaran soo-celis doon ah iyo adeege qaran dumis- doon loo soo ijaartey oo an gabasho aqoon .
3. shacbiga somaliyeed oo idil iyo xulufo u bareertay duminta dalka somaliya.
4. Marka wax kasta lagu sheegayo magacooda Mahiga wuxuu ku yiri Somaliyeed oo idil shaqada ay qabatay kooxda Formaajo ma aha mida an doonayno waana joojiney.
5. Mahiga iyo cida adeejinaysabaa wajiga yey candhuuf yey uga tufeen calooshana mandibay ka galiyeen somali oo idil. Ma jiraan wax ka sokeeya oo lagu sheegi karaa go’aankooda ah in ay kala diraan kuwii u istaagey badbaada qaranka haddana na dhahaan somali yaan wanaag u wadna oo ay doonaan in an ka qaadano.
Shariif xasan waa shaabad la tuso somalida ama cajalad loo dhawaajiyo si cudaar loogu abuuro waxa Mahiga laga doonayo in u fuliyo. Waxaa la gudboon dadka somaliyeed in ay dhab u egaan iskana dhiciyaan kuwa imaan laawe sharif xasan iyo saaxiibadi u soo dhiibaya dhgaxa ay tuurayaan.
Sida an kor ku sheegnay Mahiga xilkiisu hadduu yahay kan Somali loo sheegay wuxuu ka shaqayn lahaa isu-celcelin madaxda somaliyeed markay iskhilaafaan, wuxuu ka ahaan lahaa dhexdhexaad, wuxuu fiirin lahaa ama dhagaysan oo wax kasta ka hormarin lahaa rabitaanka shacbiga somaliyeed iyo moqifka u ka qabo madaxda, kalsoonida dhinac kasta shacbigu ku qabo. Bil caksi Mahiga wuxuu si qaxayan ula saftaa mar kasta hal dhinac, wuxuu raadiya in u soo ifbixiyo oo buunbuniyaa (make visible and magnify )khilaafyo yar yaraan karey. Wuxuu soo dhawaystaa kuwa somaliyi nacday oo dhib wadeyaasha ah. Calaaqaad Mahiga- Shariif Xasan iyo si-xun-nosha la socota waa: ku dhawaaqa idinku khilaafka an idiin dhiibo deedna anaa suuq geynoo ka dhigi go’aan UN-ka iyo bulshada caalamku u dhan yihiin.
Waxaa la is-wada weydiinayaa xilka loo soo dhiibey Mahiga ma dumid colaaded iyo Somali dudumi baa mise waa damin colaadeed ? Somali heshiisiin miyaa waxa Mahiga ku soo maleegey Kampala ? yaa xaqa oo mudan in la dhagaysto: Mahiga mise kacdoonka shacab ee shalay dhacay somaliya? Aaway “bulshadii caalamka” ee ka dhiidhiyi jirtey waqooyiga Afrika ? ma waxay goosatay in ay ku taageerto Mahiga sii socodka dhibaatada somaliya iyo daadinta dhiggeeda oo a raqiis baa arkay.
Mu’aamirada u fulinayo Mahiga, cid kastaba ha ka dambaysee, waxaa mas’uul buuxa ka ah UN-ka u magacooda qaraanka masaakinta Europe ku soo uruursanayo suu u sii socodsiiyo xasuuqa kumanyal Somali ah oo an waxba galabsan.
Haduu mar minjaxaabinayo cadawgooda, maxaa diidaya in Mahiga xulufo la yahay Al-shabaab iyo al- qaacida ay ka midka yihiin.?
Wuxu waxa ay yihiin ha lagu magacaabo hana loo aqoonsado dhinaca ay jaalka la yihiin.
Aqristo, dab biyo ku magacaabid biyo ku noqon mayo , Mahiga-na maslexe ku magacaabid maslexe ku noqon mayo. Dabku dabkiisuu ahaan oo cidi biyo moodaa way ku guban, Mahiga-na Somali jiritaankeeda yuu la diriri cidii maslexe moodaa waa ku dal iyo dan seegi.
Taageerada dadka xamar siinayaan formaajo waxay daliil cad u tahay in somaliyi u bislaatay ilaashashada danaheeda , jajabisey qoqobadii dagaal ogeyaal iyo si-xun-nool oo dhani la dabo joogeen mudo aad u dheer. Garasho waa guul mana jirto cid alle abuuray oo ka waabin karaysa shabi markuu danti garto. Midno iyo xoog buu heli wuxuuna u jiiri dulmi wade kasta sidii tsunami. waxaaa hubaal ahaan muuqatay in Shacbiga somaliyeed marxalad cusub galay una jabiyey deyd xaraankii qabiilka ee la doonayey in lagu kala xaraysto si dhigiisa loo jaqo.
Qoraha maqaalkani wuxuu ka mid yahay dadweynaha somaliyeed ee taageeraya dhallinyarada xukuumadan lakiin waxaa taa kala sii weyn oo farax iyo geesinimo cusub galinaya muuqaal(farriinta) midnimo ee dadka xamar u diray walaalihi kale somaliyeed iyo heerka garasho ee gaarey. Mahadu ha gaarto Somali/somaliyad kasta oo xagga midaynta shacabka ficil ama fikri ahaan gacan uga geystey.iyo ntii ku dadashay sare u qaadida shacbiga.
Waxaa ila qumman sida shacbiga somaliyeed waligi na tusayey shalana dadka xamar degani noo muujiyeen an danteena annagu u wada kacno oo annaan cidna isku hallayn ha ugu horreeyaanbe xil-ma –dhibaanada barlamaanka bululuq.
Ugu dambayntii markaan meeshaa uga harno wax ka dhihida mashruuca burburinta dowladii Somali waxqabadka tustay rajadana soo celisey waxaa mudan in la fiiriyo 3 qodob oo ka mid ah heshiiska Kampala . 3daa qodob waxay kala yihiin h lambar 4, 8, 10. Wax daran yey xambaarsan yihiin. (Qodobbadaguduud yaan ka dhigay waxa ku ak qorana waa macnayntayda)
4-Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla soddonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoo magacaabayaa ra’iisul wasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday inuu ansixiyo ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa 14-maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo. (Yaa ku wareejiyey oo siiyey awooda 2da shariif iyo Mahiga ku go’aaminayaan waqtiga u fariisanayo “barlamaanka qaranka somaliyeed iyo nooca go’aanka u gaarayo? Reer barlamaan bululuq maxay ka yeeli ? barlamaan waa kii u go’aami ya dalkiisa iyo dadkiisa wixii u dan ah markuu doono iyo siduu u doono. Ka weyn wax ku shaqeeya Jeego qabad iyo magac nin jeebka ku sito.)
8-In la abuuro jawi ay wada-shaqayn iyo iskaashi ku yeeshaan baarlamaanka iyo xukuumadda si taas loo xaqiijiyana waa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta waana inaan muddo sanad ah mooshino laga keeni karin madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa. Sidoo kale waa inaan xukuumadda laga keeni karin mooshin aan sabab iyo daliil xoog badan ku dhisnayn, kaasoo ay ku khilaafayso axdiga KMG.
(Barlamaan sidiisaaba shaqada ugu weyn ee u leeyahay waa sharci dajin iyo kormeer xukuumadeed oo ah markuu doono iyo meesha u doono si u hubsado in xukuumado ku shaqaynayso sharciga oo u fulinayso hawlaha si sax ah. Sharciga dalka u degen iyo asaga unbaa xadadi kara marka mooshin la keeni karo iyo marka ay habboon tahay in la sugaa. Waxaa muuqata in la shariif iyo barasaab Mahiga awoodaa ka xayuubiyeen barlamaan bululuq. Tiro badne tayo yare bululuq wax badan ma laga fileen lakiin awood ka xayuubintani waxay cay ku tahay ummada somaliyeed ee u xooga ku marooqsaday madaxtinimadeedii)
10-In madaxda goboleedyada (IGAD iyo EAC) ay dhisaan hay’ad siyaasadeed oo ay kala shaqayn doonaan UNPOS iyo AU taasoo dabagasha waxqabadka iyo meel-marinta howlaha lagu heshiiyay. Nidaaamkan oo la mid ah kii laga hirgeliyay dawladda Burundi kii lagu nabadeeyay ayaa kor meeri doonaa cunaqabatayn iyo ciqaabna saari doonaa ciddii ka hor timaadda hergelinta heshiiskan.
Somaliya dhibaatooyinkeeda waxyaabaha sii murgiyey waxaa ka mid ah faragalinta dowladaha deriska la ah oo danahooda iyo dagaalladooda hoose laga dhammaan la’yahay. Uma baahna kuwo cusub oo dab iyo dhibaato uga sii huriya dano an Somali khuseen sida ethiopiya iyo Eritrea ama kuwo magacyo kala duwan daaqada uga soo dhaca. Somaliya waa joogaan dad sanctions in laga qaado loo baahan yahay waana laga wada yaqaan wasaaradaha dibada ee aduunka ayaga yaana u badan somalida rugta ka dhigtay safaaradaha iyo xafiisyada UN-ka jooga Nairobi.Ciqaab saarida shakhsiyaadkaas waa wax Somali soo dhawaynayso oo ay u baahan tahay waxaana ku filan go’aanno ka soo baxa guddiga amniga UN-ka. Looma baahna dowlooyin Afrikaan ah oo cusub oo lugaha la soo galadhibaatada somaliya.
Cabas C.Cabdullahi
Comments
comments