Xildhibaan Qanyare oo Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir ugu baaqay duulaan Muqdisho lagu soo celinayo.

Posted on Nov 11 2009 - 5:30pm by News Desk
Tweet
Pin It

11Bartamaha(Muqdisho):-Xildhinbaan Max’ed Qanyare Afrax oo kamid mudanayaasha baarlanka Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka Banaadir in uu ka shaqeeyo sidii gacanta dowldda dib loogu soo celin lahaa degmooyinka ay ka taliyaan xoogaga ka soo horjeedo dowladda  KMG ah ee Soomaaliya.

Max’ed Qanyare oo maanta ka qeyb galay munaasabad xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay gudoonka cusub ee gobolka Banaadir in ay la yimaadaan fir fir cooni iyo howl adag si looga baxo buu yiri dhibaatada hadda ka jirta gobolka Banaadir.

Dhowaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu xilka ka qaaday maamulkii hore ee gobolka Banaadir waaxaana uu magacaabay maamul cusub kaasi oo loo xil saaray wax ka qabashada xaaladaha gobolka.

Hadalka maanta kasoo baxay xildhibaan Max’ed Qanyare ayaa yimid xilli ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan degmooyin farakutiris ah oo katirsan gobolka Banaadir islamarkaana wali ay magaalada Muqdisho dagaalo ku dhexmarayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga kasoo horjeedo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.