Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowlada Fd Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho.

Posted on Jul 1 2009 - 9:00am by News Desk
Tweet
Pin It

mudanayashaBartamaha(Muqdisho):-Mudanahan ka tirsan Baarlamanka dowlada Fd Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Shariif Saafi Rooble ayaa xalay fiidkii hore waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho halkaasi oo maalmahan bukaan ahaan ugu jiray.

Ex.Xildhibaan Shariif Saafi Rooble ayaa la sheegayaa in muddo 3-cisha ah uu yaalay isbitaalkaasi Madiina halkaasi oo xanuun ba’an uu ka hayay xagga wadnaha iyo dhiiga oo kacay awgeed.

Xildhibaanka ayaa geeridiisa waxaa xaqiijisay Khadiija Maxmed Diiriye oo ah wasiir ka tirsan dowlada Fd Soomaaliya iyadoo u sheegtay mudanayaasha iyo wasiirada aan maalmahan muqdisho isku waraysan balse xalay qaarkood ka soo qeybgalay munaasabadda 1-Julay oo ka dhacday goob ku dhow dakada Muqdisho taasi oo ah xarunta ay wada daganyihiin Maamulka Gobolka Banaadir,Wasaarada Caddaalada iyo Xarunta Baarlamanka ku shiri doonaan iyo wasaarado kale.

waa xildhibaankii 4-aad ee ka geeriyooda Baarlamanka Soomaaliya ee ka kooban 550-mUdani iyadoo uu ugu danbeeyay dhimashada xildhibaan Ing.Maxmed Xuseen Cadow oo dhawaan dagaal ku geeriyooday.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia