Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo maanta shirjaraa’id  oo uu qabtay ku canbaareeyay falkii saaka lagu dilay Wadaadada Tabliiqa Gudaha Magaalada Gaalkacyo.
Afhayeekha Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in falkaasi uu ahaa mid laga argagaxo isagoo sheegay in ay ka danbeeyeen koxo aan diinta Islaamka raad ku lahayn.
Sheekh Cali dheere ayaa tilmaamay in cidii ka danbeysay falkaasi mar ay soo gali doonto gacanta Mujaahidiinta isagoo wacad ku maray in ay beegsan doonaan dhinacyada ka danbeeyay dilalkaasi.
Wadaadka Alshabaab Afhayeenka ka ah ayaa waxa uu tilmaamay in ay jiraan dhinacyo ay falkaasi ku tuhunsanyihiin balse ay wadi doonaan baaritaanadooda si ay u soo ogaadaan kooxahaasi falka geystay oo uu balan ku qaaday in aan la cafin doonin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.