Xaalada Muqdisho oo Saaka dagan ka dib dagaalo iyo duqeymo Xalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama

Posted on Jul 21 2009 - 7:08am by News Desk
Tweet
Pin It

amisom wadada shaqaalahaBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka u muuqata mid xasiloon ka dib dagaalo qaraar oo Xalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama Ee Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Amisom iyo Xoogagta Islaamiyiinta. 

Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa waxa barbar socday Madaafiic ku hoobanayasay Xaafadaha Degmooyinka Hodon iyo Howl-wadaag iyo gudaha Suuqa bakaaraha.

Inta la ogyahay waxaa dagaaladii xalay ku bgeeriyootay in ka badan 4-ruux halka dhaawacyada la geeyay xalay iyo saaka isbitaalada Muqdisho 15-ruux kuwaasi oo badankood ah dad rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicda la isdhaafsanayay ay ku haleeshay deegaanadooda.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaqya Ciidan ah oo ay wadaan Ciidamada Amisom iyo kuwa islaamiyiinta iyagoo ay kala joogaan fariisinadii markii haore ay ku kala sugnaayeen.

Dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhowdhow hoygii shaqaalaha ayaa bilaabay in halkaasi ay iskaga cararaan maadaama xalay ay la kulmeen qasaarihii iyo naxdintii ugu darnayd ka dib  markii Ciidamada Amisom ay Hoobiyayaal ku garaaceen deegaanada ka hooseeya guriga shaqaalaha islamarkaana ay rasaasta uga soo ridayeen Islaamiyiinta ciidamadooda.

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.