Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magaalada London
Waxaa shalay iyo maanta soo gaarey magaalada London wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka yimid Soomaaliya, kuwasoo kale ahaa Wasiirka Warfaafinta mudane C/raxman Yariisow iyo Wasiirka Horumarinta reer miyiga mudane Mohamed Abdi Yusuf.
Waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow Airport uga hor tagay madaxda dowlada  maamulka xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK & qaar ka tirsan odayaasha Soomaaliyeed ee degan magaalada London.
Masuuliyiintaan ayaa la filayaa inay kulamo kale duwan kula yeeshaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiska inta ay ku sugan yihiin magaalada London.
Comments
comments
Category : UK & Europe.