Bartamaha(Muqdisho):-Kualan oo maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Qaahira Ee Dalka Masar ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan dhammaan wadamada Xubnaha ka ah Jaamacada Carabka kuwaasi oo haatan gaaraya Magaaladaasi.
Kulanka maanta u furmaya wasiira arima dibadeedyada wadamada Jaamacada Carabta ayaa ajandaha ay kaga ahdli doonaan waxaa ka mida arimaha Murugsan ee dalka soomaaliya iyo dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaaladaasi Muqdisho oo ay dowlada ku taagdarantahay.
Wafdi ka socda Dowlad Fd Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Qaahira iyado uu hoggaan u ahaa wasiirka arimaha Dibada Dowlada Fd Soomaaliya Maxmed C/laahi Oomaar oo ay la socdaan xubno kale oo ka socda dowlada KMG ah.
Wasiirada Arimaha Dibad Wadamada Jaamacada Carabta ku midaysan ayaa laga raja qabaa in ay mowqif midaysan iska taagaan xaalada dalka soomaaliya waxaana sidoo kale loo malaynayaa in ay jawaab ka bixiyaan dalabkii dowlada ay u jeedisay wadamada Jaamacada Carabta oo ay ka dalbadeen in laga soo gaaro dowlada iyo in Ciidamo loo soo diro.
Inta badan xubnaha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa rajja ka qaba in ay halkaasi kala kulmaan hadalo iyo khudbado ay ku qancaan oo xagga Mooraalka u dhjista maadaama dhammaan wadamada kale ee Codsiyada Ciidanka loo diray ay bvadanaa ka meermeereen in soomaaliya ay Ciidama ugu deeqaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia