Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan OO lagu aasay Muqadisho maanta
BARTAMAHA – AUN waxaa Maanta Qabuuraha Iskool Bulusiyo ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo ahaa Tafatirihii Idacada Mustaqbal islamarkaana ka soo shaqeeyey Idacadaan Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.
Aaska Wariye Keynaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,Bahda Warbahinta Muqdisho iyo Ehelada Marxuunka.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Aaska ayaa Marxuun Keynaan ayaa ka Tacsiyadeeyey,Geeyrida ku Timid Yuusuf Axmed Abuukar,asagoona Alle oga baryey in uu Janadii geeyo.
Waxaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya uu sheegay in Baaritaan lagu sameenayo Dilka Wareye Keynaan islamarkaana cadaalada la horkeenayo.
Comments
comments