War dag-dag ah: Xisbiga Kulmiye oo ku guuleestay Doorashada Soomaaliland.
Bartamaha (Hargeeysa) Ciise Yuusuf Maxamed oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in xisbiga Kulmiye ee uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Silaanyo ay ku guuleesteen Doorashooyinka dhawaan ka dhacay Somaliland.
Munaasabad ka socota Hotel-ka Mansoor ayaa lagu shaaciyay hadalkan ka soo yeeray Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Xibsiga Kulmiye ayaa helay 266,906 cod una dhiganta 49.50%, Xisbiga UDUB ayaa helay 178,881 una dhiganta 33.23%, halka Xibsiga UCID ay heleen 29,459 cod oo u dhiganta 17.18% guud ahaan cod bixintii la qaaday ayay sidan u kala heleen sadaxda Xisbiga ee doorashooyinka Somaliland ku tartamay.
Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxwaynihii Somaliland ee laga guuleestay ayaa horay u sheegay in Natiijada wax walba oo ay tahay uu aqbali doono balse wali hadda kama uusan hadlin Guuldarada soo gaartay xisbigiisa UDUB ee maamulka Somaliland soo hayay lixdii sano ee ugu danbeeysay. Inkastoo wararka qaar ay sheegaan in uu Madawayne Rayaale u hanbalyeelayay xisbiga Kulmiye.
Axmed Maxamed Silaanyo ayaa noqonaya Madaxwaynihii Afaraad ee Somaliland tan iyo markii ay sheegteen in ay ka xoroobeen dalka Somalia intiisa kalle.
——————
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.
Comments
comments