Walaal Caawi waa wiilkan Soomaaliyeed oo dalka Caafimaadkiisa wax looga qaban waayay.

Posted on Jun 16 2009 - 10:04am by News Desk
Tweet
Pin It

0000Bartamaha (Muqdisho):- Mahad Awesy Cayban waa wiil 4-jir ah kana soo jeeda qoysa aad u tabardaran oo ka  mida barakacayaasha ku nool deegaanka Xaawa Cabdi haatan waxaa soo wajahan dhibaata xagga Caafimaadka ah iyadoo madaxiisa ay biya ka buuxaan.

101

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mahad Aweys Caynab waxaa dhibaata ka haysataa xagga Caafimaadka iyadoo waxa ka weyb madaxiisa ay inta badan yihiin biyo dhaqaatiirta Muqdisho joogtana ay wax kaga qabanwaayeen dhibaatadaasi.

Hooyadiis Ifraax Maxmuud Maxmed ayaa u sheegtay Bartamah.Com Dhibaatada wiilkeeda haysata iyadoo sheegtay in aanu marnaba aamusi Karin xilli waliba xannuun haya awogeed taasi oo ay u dheertahay isagoon awood u lahayn in uu dhaqdhaqaaq sameeyo.

Dhaqaatiirta Muqdisho ayaa sheegay in wiilkaasi uu madixiisi biya ku jiraan isla mar’ahaantaana aan dalka wax looga qaban Karin iyadoo dhaqaatiirtaasi ay ugu danbaysay Drs.Xaawa Cabdi oo deegaankeeda lagu hayo wiilkan xanuunsanaya.

Hooyo Ifraax Maxmuud Maxmed ayaa ka codsatay dhammaan walaalahga Soomaaliyeed ee awoodi kara in ay kaalmo u fidiyaan wiilkeeda oo ay sheegtay in xili waliba ay ka muragaysantahay dhibaatada haysata.

Hadaba Cid alla Cidii awooda kaalmadaasi loo fidinayo wiilkaasi ah Wiil dhammaan Umada Soomaaliyeed ka xanuunsanaya waxa ay ku soo hagaajin kartaa Hooyo Ifraax Maxmuud Maxmed ama aad ka heli kartaan Telphonada kala ah 0025250-462001 ama  002521-5173309.

Fadlan Caawi walaalkaa Allaah haku caawiyee.

Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.